Qaar kamid ah Culimada Degmada Caabudwaaq Waqooyiga Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha Maleeshiyaadkooda dhowaan ku dagaalamay Deegaanka Laandheer.
Culimada ayaa sheegay in daadinta dhiigga Dadka walaalaha ah aanay wanaagsanayn Adduun iyo aakhiro sidaas awgeed loo baahan yahay in dhegaha loo taago baaqyada nabadeed ee wadahadalka loogu soo jeedinayo dhinacyadaan.
Dhibaatooyinka laga dhaxlo dagaallada sokeeye ayay ka digeen in deegaannada ay isku gacansaareen maleeshiyaadka hubaysan ku faafaan taasi oo haatan daba-qabad lagu samayn karo loona baahan yahay in laga hortago.
Culimada ayaa sheegay in doorkooda nabadaynta ah ay ka qaadanayaan soo afjaridda dagaalladaan si loosoo afjaro xiisadda iyo in markale dhiigga Dadka walaalaha ah lagu daadiyo Deegaanka Laandheer ee Gobolka Galgaduud.
Sheekh Cabdicasiis Xasan Yare oo Warbaahinta u aqriyay Baaqa Culimada soosaareen ayaa Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedka Galmudug, Waxgaradka & cid weliba oo door uga furan ugu baaqay in ay u istaagto arrintaan.
Baaqa Culimada ayaa u qornaa:
1-Ugu horrayn waxa ay Tacsi u direen ehelka Dadka ku dhintay Dagaalka.
2-In la joojiyo dagaalka isla markaana la kala qaado Maleeshiyaadka hubaysan ee dagaallada.
3-In Waxgaradka labada Dhinac ay isugu yimaadaan Gogol ay kusoo afjarayaan colaadda Sokeeye.
4-Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Galmudug in ay xal waara u hesho dagaallada soo noqnoqday.
5-Joojinta xadgudubka loo gaysanayo Maydka (Dadka Dhintay) ee inta la duubo lasoo dhigo baraha bulshada.
6-Kicinta Beelaha Walaalaha ah ee dhanka Baraha Bulshada lagana shaqeeyo isku duubnimada iyo is qadarinta beelaha Walaalaha ah.
Baaqa Culimada ayaa kusoo beegmaya xilli guddi Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu u magacaabay soo afjaridda dagaalladaan uu ku dhaqaaqay sidii dhabbaha nabadda uu u raad-raaci lahaa.
La soco wixii kasoo kordha