12kii Abriil sanadkii 1960dii maanta oo kale ayaa laa aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka, sanad weliba marka la gaaro xiligaan waxaa la qabtaa munaasabado lagu maamuusayo dabbaaldegga waxaana ka qaybgala Madaxda sare Dalka, Hoggaankooda & marti kale oo la casuumo.
64-sano ayaa maanta laga joogaa markii la aasaasay ciidanka Xoogga Dalka, hambalyo iyo bogaadin ayaa loo diray ciidamadaan oo sanadkaan howlgallo kala duwan oo xooggan kawada deegaanno katirsan Gobollada Dalka.
Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha ciidanka Xoogga qaybahooda kala duwan ayaa hambalyadaan si gaar ah ugu diray Militariga Soomaaliya.
Sidee ayaa lagu aasaasay ciidanka Xoogga Dalka 64-sano kahor maanta oo kale?
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.
Waxaana degmo kasta laga soo xulay 50 Askari, waxayna tababarka, ama kuruudku ay ku galeen Xerada Bootiko, oo haatan loo yaqaan Xalane, ciidankaasi ayaa ka koobnaa 8 horimood, waxaana Taliyeyaal looga dhigay 8 sarkaal oo markaasi qaatay darajada Kabtan ama Dhamme waxa ayna kala ahaayeen magacyadooda Saraakiishaasi.
Horinta Kowaad waxaa Taliye u noqday- Gen Maxamed Cali Samatar
Horinta Labaadna waxaa Taliye looga dhigay- Gen Salaad Gabeyre Kediye,
Horinta Saddexaadna waxaa Taliye ka noqday- Gen Maxamed Faarax Ceydiid
Horinta Afaraadna waxaa hoggaan ka noqday- Gen Cilmi Nuur Tareey
Horinta Shanaadna waxaa Taliye ka noqday- Gen Cabdalle Maxamed Faadil
Horinta Toddobaadna waxaa taliye ka noqday- Abuukar Xasan Wehliye (Suulaleey)
Horinta Siddeedaadna Taliye looga dhigay- C/dulqaadir Dheel.
Kaddib, markii uu ciidanku dhameystay tababarka waxaa loo kala qeybiyay 4 qeybood ku waasoo la kala dajiyay afar sal-dhig oo ku kala yaala magaalooyinka Muqdisho. Beled weyne Hargeysa. Baydhabo.
Qeybta Kowaad waxaa loo beddelay magaalada- Hargeysa
Qeybta Labaad waxaa loo beddelay magaalada- Beled weyne
Qeybta Saddexaadna waxaa loo beddelay magaalada- Baydhabo.
Qeybta Afaraadna waxaa lagu reebay magaalada- Muqdisho.