Ciidamada Ammaanka Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa howlgallo ka dhan ah Walxaha maanka-dooriya kawada deegaanno hoostaga Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer balse maamulkaas uu gobol ahaan ugu magac daray Cayn.
Ciidanka ayaa bartilmaameedsaday goobo gaar ah oo lagu sheegay in lagu iibiyo walxaha maanka-dooriya, waxa ay xireen Dad ku eedeysan in ay ka ganacsanayeen kuwaas oo la horgeynayo Maxkamad sida hadalka loo dhigay.
Howlgalkaan inta uu socday waxa ay ciidamada Ammaanka ee SSC-Khaatumo burburiyeen goobo lagu iibinayay walxahaas maandooriyaha ah si looga qabto dhibaatooyinka ay ku yeelan karaan Bulshada sida hadalka loo dhigay.
Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah ugu qaabilsan la dagaalanka ‘Anshax xumada iyo Maandooriyaha’ ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalkooda uu sii socon doonno ilaa inta laga soo afjarayo guud ahaan walxahaas.
La soco wixii kasoo kordha