Ciidanka Israaiil ayaa weeraray xarunta Hay’adda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga & Gargaarka Falastiin ee loosoo gaabiyo UNRWA sida ay kusoo warrameen ilo kala duwan oo xogtaan la wadaagay Warbaahinta.
Saraakiil Katirsan Ciidanka Israaiil ayaa ku dooday in Xarumaha Hay’adda UNRWA ay yihiin goobo ay gabbaadsadaan xubno katirsan Dhaqdhaqaaqa Iska caabbinta kala soo horjeeda ee Xamaas kuwaas oo dagaallo ay ku dhiig-bixiyeen Yuhuudda la galay.
Qoysas badan oo halkaas u degay in ay ku helaan nolol uga wanaagsan tan guryihii ay degenaayeen oo intooda badan ay burburiyeen Ciidanka Israaiil ayaa la arkayay iyaga oo markale kasii baxsanaya goobtaasi.
Sarkaal sare oo katirsan Hay’adda UNRWA ayaa waxba kama jiraan ka dhigay qiil raadinta Israaiil ay ku banaysatay weerarka ay ku qaadday Xaruntooda isla markaana beeniyay in ay la nool yihiin xubno katirsan Xamaas.
Dhinaca kale, Magaalada Gaza waxaa ka taagan xaalad cunno la’aan ah oo ka dhalatay go’doonka Ciidanka Israaiil ay saareen dhowr bil kahor, waxa ay Dadka qaar billaabeen in ay u dhintaan xaalado macluul ah.