Ciidanka Israaiil ayaa si lama filaan ah isaga baxay Xaafado kamid ah Magaalada Gaza kaddib markii iska caabbin culus ay kala kulmeen dhinacyada hubeysan ee dagaalka kala soo horjeeda, Dadka ayaa kusoo baraarugay goobo badan oo Haawanaya.
Meelaha ay ka baxeen Ciidanka Israaiil waxaa lagu arkay Dad rayid ah oo ay ku dileen mudaddii ay joogeen kuwaas oo jirkooda isbaddelay waxaana goobahaas ka qaaday Saraakiisha Caafimaadka Magaalada Gaza.
Dadka inta badan Maydkooda la helay waxa ay u badnaayeen Dumar iyo Carruur kuwaas oo ku go’doomay Xaafadahooda isla markaana si arxan-darro ah waxaa u dilay Ciidanka ku duulay ee Israaiil sida ay xaqiijiyeen ila kala duwan.
Teleefishinka Aljazeera ayaa baahiyay muuqaallo la xiriira dabbaal-degyo ka socda goobaha ay isaga baxeen Ciidanka Yuhuudda waxaana Dadka isugu soo baxay ka muuqday Farxad ay ku muujinayaan in uu ciidakii kusoo duulay ka dul-guuray.
Go’aanka dib u bixitaanka Ciidanka Israaiil ayaa la sheegay in uu gaar u ahaa Saraakiisha ciidankaas hoggaanka u ah kuwaas si ka madaxbannaan Amarka Ra’iisul Wasaare Netanyahu iyo Wasiirradiisa dagaalka isaga huleelay Xaafadaha qaar ee Gaza.
Dhawaan waxa ay Saraakiisha Ciidanka Yuhuudda ay direen Fariin la xiriirta in ay isaga baxayaan goobaha ay joogaan haddii aan xabbad-joojin laga gelin dagaallada socda dhibaato weyn kasoo gaartay ciidamadaan sida ay hadalka u dhigeen.