Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug & kuwa Deegaanka ee Macawiislayda ayaa kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Koofurta Gobolka Mudug waxa ay ku ballameen in la kordhiyo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, ciidamada ayaa howlgalladaan waxa ay diiradda ku saareen deegaanno ay sheegeen in ay ku sugan yihiin ‘AS’ isla markaana ay kasoo qaadaan duullaanka ka dhanka ah, si ay uga hortagaan weerarradaasina ay howlgalka u qaadeen.
Ciidamada gaarka u tababaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyay ciidankaan howlgallada kawada Koofurta Gobolka Mudug, saraakiisha hoggaaminaysa ayaa sheegay in ay dib u billaabeen howlgalladii socday todobaadyo kahor.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallada ka socda Koofurta Gobolka Mudug in ay ku dileen saraakiil katirsan ‘AS’ oo Soomaali iyo ajaanib isugu jirta kuwaas oo xogo ay heleen iyaga oo ka duulaya ay beegsadeen.
La soco wixii kasoo kordha