Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika loona soo gaabiyo ATMIS ayaa sheegay in ciidamadooda ay billaabeen howlgallo lagu ballaarinayo waddooyinka gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Ciidamada Uganda oo adeegsanaya Gawaarida loogu talagalay in lagu jaro geedaha waa wayn ayaa sameeyay howlgallo ay ku jarayaan geedahaas jidka soo galay si loo gududeeyo isu socodka Dadka iyo Gaadiidka.
ATMIS ayaa Sheegtay in maamullada maxalliga ah & bahwadaagta horumarinta caalamiga ah ay kala shaqayso sidii kaalinteeda uga qaadan lahayd howlahaan ay qaybta ka tahay ballaarinta waddooyinka si loo jaro geedaha.
Ciidamada Uganda waxa ay ka howlgallaan Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaana waddooyinka qaar ay qarka u saaran yihiin in socodkooda uu u go’o Geedaha waaweyn ee hareeraha waddooyinkaas ka baxay.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhowaan sheegay in ay ka shaqaynayaan dib u hagaajinta waddooyinka geedaha badan ay ka baxeen, arrintaas ayuu tilmaamay in maamulku uu la kaashanayo cid weliba oo kaalin muuqata ka qaadan karta.