Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe ee Xamar Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir kaddib markii Xubno katirsan Maxaabiista ay u suuragashay in ay hub gacanta ku dhigaan.
Warka kasoo baxay Ciidanka Asluubta ayaa lagu sheegay in Ciidamadu ay toogteen 5 ruux oo falkaas ka dambeeyay oo dhammaantood Rag ah kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasho ah sida hadalka loo dhigay.
Faah-faahintaan hordhaca ah waxa ay kordhineysaa tirada dhimashada ee horay loo baahiyay oo ahayd 2 ruux balse hadda gaartay 5 qof oo uu Taliska Ciidanka Asluubtu ku sheegay in dhammaan ay yihiin xubnihii Xabsiga ka dagaalamay.
Dhaawaca inta uu gaarsiiyay si dhab ah Dowladda uma shaacin, ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in xogta oo dhammeystiran Warbaahinta ay la wadaagi doonaan Hay’adaha amniga oo la shaaciyay in ay baaris ku howlan yihiin.
La soco wixii kasoo kordha