Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka ee Macawiislayda loo yaqaan ayaa dib u billaabay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug gaar ahaan Koofurta Gobolka Mudug.
Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, ciidamada ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay dhaqdhaqaaq ciidan ka billaabeen tuulooyin hoostaga Degmooyinka iyo magaalooyinka ay gacanta ku hayaan si ay uga hortagaan weerarro uga yimaada dhinaca ‘AS’.
Waxaa dhinac socda howlgalkaan kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka & Kuwa Deegaanka iyaga oo kawada arrinsaday qaabkii ay ku gaari lahaayeen tuulooyinka gacantooda ka maqan.
Guddiga Difaaca & Dib u xorraynta Koofurta Gobolka Mudug ayaa qaabilsay saraakiil ciidan oo ay is dhaafsadeen xogaha ay hayaan maadaama aqoon durugsan ay u leeyihiin dhulka howlgallada laga fulinayo iyo saraakiisha ciidanka oo dhankooda u gudbiyay qorshahooda ciidan.
La soco wixii kasoo kordha