Degmada Bardaale ee Gobolka Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimashada ugu yaraan 2 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo dhammaan ah dhinacyadii dagaalamay.
Dagaalamayaal katirsan ‘AS’ ayaa weerar ku qaaday mid kamid ah xeryaha ciidamada Dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaana ilaa haatan socda howlgal ay wadaan ciidamadaas iskaashanaya.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in weerarka ‘AS’ uu ahaa mid ‘Arbushaad ah’ keliya hadafkoodu ahaa in ay rasaas ku fureen qaybo kamid ah Degmadaas balse laga hortagay.
Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in saacadihii u dambeeyay Degmada Bardaale ay ka socdeen kulamo looga arrinsanayay qaadista jidgooyin ay dhigteen qaar kamid ah ciidamada ku sugan Degmadaas.
Si looga gungaaro arrintaas ah qaadista isbaarooyinka cabashada badan ka timid waxaa Degmada Bardaale tagay wafdi ka socda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo uu horkacayo Wasiirka Amniga Dowlad-Goboleedkaas.
La soco wixii kasoo kordha