Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ammaanka ay xireen Xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid ah Golaha Wakiillada Maamulka Somaliland, xiritaankaan ayaa yimid kaddib markii Xildhibaanku kasoo degay Diyaarad uu la socday oo ka timid Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.
Mustaqbal ayaa heshay xogo ku saabsan qaabka loo xiray Xildhibaanka, Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka ee jooga Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa oo inta badan qabta Dadka halkaas ka dega ayaa Xildhibaan Abiib geeyay mid kamid ah Xafiisyadooda, waxa ay ugu dambeyn u sheegeen in uu xiran yahay.
Maxamed Abiib ayaa ku dooday in loo caddeeyo sababta keentay in la xiro maadaama uu leeyahay xasaanad balse ciidamada ammaanka ayaa ka gaabsaday in ay xog dhammeystiran la wadaagaan sida ay ku warrameen ilo kala duwan oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal Magaalada Hargeysa.
Waxa uu Xildhibaankaan lagu magacaabo Maxamed Abiib uu kamid yahay tiro mudaneyaal ah oo laf dhuun gashay ku noqday Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale waxaa loo arkaa in uu door firfircoon ku leeyahay siyaasadda ka dhanka ah Xukuumadda Biixi ee Gobolka Awdal.
La soco wixii kasoo kordha