Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka gaar ahaan Booliiska iyo kuwa Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka NISA ayaa rasaas ku kala eryay Bajaajley ku dibadbaxaysay isgoyska Kiilo-mitir 4 ee Magaalada Muqdisho.
Wadayaasha ayaa ka cabanaya lacag kordhin Dowladda ay ku sameysay qiimaha lagu qaato Ruqsadda oo la gaarsiiyay $200 taasi oo culeys ku ah marka la eego muddada ay ka shaqeynayaan bishii oo ah 15 cisho sida ay hadalka u dhigeen.
Shalay waxa ay sidoo kale bannaan cabasho ah ka dhigeen Waddada Makka Al-Mukarrama waxaana la kulmay sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya isla markaana sheegay in uu wakiil ka yahay Taliyaha qaybta Booliiska Macallin Mahdi.
Maanta ayuu markale dibadbax kale ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee KM4, muuqaallo lasoo dhigay baraha Bulshada waxaa ka muuqday qaar kamid ah Dibadbaxayaasha oo hareereeyay gaari kamid ah kuwa ciidanka Booliisku wateen.
Daqiiqado kaddib waxaa goobtii dibadbaxyadu ka socday ka billowday rasaas ay rideen ciidamo katirsan Hay’adaha ammaanka, Dadkii dibadbaxayay ayaa goobtii ku kala cararay waxaana dib usoo laabtay isusocodka Gaadiidka.
La soco wixii kasoo kordha