Chris Sutton ayaa shaaca ka qaaday saadaashiisa ku aadan hanashada horyaalka ee kooxaha Arsenal iyo chelsea kaas oo ka tirsan premier League.
Hogaamiyayaasha haatan ee Arsenal ayaa Emirates Stadium ku soo dhawaynaya kooxda Mauricio Pochettino iyaga oo doonaya in ay sii dheeraystaan hogaanka premier League.
Gunners ayaa doonaysa in ay gaadho guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah premier League kadib markii ay 2/0 ku garaaceen Wolves.
Kooxda Arsenal ayaa haatan la dhibco ah kooxda Liverpool laakiin kaga horayso farqiga goolasha.
Weeraryahankii hore ee Premier League Sutton ayaa sheegay in uu yahay kulan halis u Ah Arsenal kuwaas oo ku raad jooga koobkoodii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2004.
“Arsenal waxa ay ku soo laabatay wadada guulaha kadib todobaad xun kulankii Wolves si fudud ayayna u badisay, laakiin helsea ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay”.
“Waxa uu u muuqdaa kulan halis u ah Arsenal marka la eego xafiitankooda”ayuu sii raaciyay.