Waddamada Carabta ee ka qaybgalay shirkii ka dhacay Dalka Baxrayn waxa uu soo jeediyeen in la helo ciidamo nabad ilaalin ah oo la kala dhex dhigo Falastiin iyo Israaiil si loosoo afjaro dagaalka daba-dheeraaday.
Siyaasiyiin badan ayaa ka falcelisay arrintaan waxaana ay ku sifeeyeen in howshaan uu Maraykanka ka muumayo Daaha gadaashiis isla markaana horay ay u diiday ciidamadaan dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Carabtii shirtay ayaa qodobkaan diiradda saartay waxaana ay doonayaan in ciidamo kala dhalasho duwan oo safka hore ka noqon karaan kuwa intooda badan la safan Maraykanka kuna qanacsan tahay Israaiil halkaas la geeyo.
Dowladaha xoogga saaraya ololahaan waa kuwa intooda badan ku doodaya in la dhiso Dowlad Falastiin leedahay oo dhinac taagan Israaiil halka dhinacyada wax iska caabbintu ay ku doodayaan in dhulkooda ka baxaan Yuhuudda.
La soco wixii kasoo kordha