Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Cali Faarax: Wuxuu ii ahaa wiilkeyga curad iyo garabkayga shaqada, laakiin wuxuu u dhintay xabad wiifto ah

    Cali Faarax: Wuxuu ii ahaa wiilkeyga curad iyo garabkayga shaqada, laakiin wuxuu u dhintay xabad wiifto ah

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 27, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Habeenimadii 26-kii June, Qoyska Cali Faarax Xasan, waxay ku seexdeen nabad qab wanaagsan degmada Wadajir, laakiin degmada Xamar Wayne oo aan aad ugu durrugsnayn waxaa isla habeenkaa ka dhacayey dabaaldaga xuska isla 26-ka June.

    Xilli subaxnimo hore ah, oo ay qoysku soo kaceen abaaro siddeedii ilaa sagaalkii subaxnimo, waxaa hal mar is beddeley jawigii lagu waaberiistay, ka dib markii Cabdicasiis Cali Faarax oo ku jiray qolka ka mida guriga uu si xoogga u furay albaabka isagoo dhiig baxayana soo baxay ka dibna uu dhulka ku dhacay sida uu BBC-da u sheegay aabe Cali Faarax.

    “Annigu waan ka maqnaa guriga oo xilli hore ayaan baxay oo shaqo aaday, waxaa isoo wacday ayeeyadiis oo aniga i dhashay, waxayna ii sheegtay in guriga xaalad adag ka dhacday iyadoo argagaxsan, waxa igu tiri wiilkii xabad ayaa ku dhacday oo waa dhaawac darran, markaas ayaan si dhaqso leh ugu soo laabtay guriga basle waxaay iiga horyimaadeen jidka iyaga oo bajaaj ku sida” ayuu BBCda u sheegay Cali Faarax.

     

    Wuxuu intaa ku daray in dhaawac darran uu ka muuqday Cabdicasiis, markii ay geeyeen isbitaalka Wadajirna dhaqaatiirtu u sheegeen in uu geeriyooday.

    “Xabadu waxay kaga dhacday garabta kore, waxayna ka baxday dhanka wadnaha, xabada ku dhacdayna waan haynaa fuuqeedii, waa rasaasta qoriga dhashiikaha loo yaqaan” ayuu yiri Cali.

    xabada dhacdya

    XIGASHADA SAWIRKA,QOYSKA

    Qoraalka sawirka,Xabada ay Qoyska Cabdicasiis sheegeen inay ku dhacday wiilkooda ee uu geeriyooday

    Cali Faarax, wuxuu sheegay in xabada ku dhacday wiilkiisa ay ka mid ahayd kuwo loo riday dabaaldagii xuska 26-june balse mar BBCda waydisay sida uu ku ogaaday ayuu sheegay in qoriga xabadu ka dhacday uu yahay sida uu sheegay qori dhashiike ah.

    BBC-du si madaxbanaan uma xaqiijin karto sheegashadaas.

    “Lama xiriirin dowladda, sababtoo ah haddii aad dowladda aado oo aad tiraahdo dhibkaannaa na soo gaaray caqabaha ugu horreeya ee aad la kulmayo waxaa ka mid ah in adiga baaritaan waxa lagu sameeyo iyo in kharashaad badan ku sii galo, waqti badana kaa lumo, maadama annan hadda qof aan dacwayno maanta jirin oo dhahaysid qofkaas dilay marka qadar ayey ahayd” ayuu yiri Cali Faarax.

    Kaalintii uu qoyska ugu jiray Cabdicasiis

    aabe Cali

    XIGASHADA SAWIRKA,QOYSKA

    Qoraalka sawirka,Cali Faarax Xasan, aabaha marxuun Cabdicasiis oo u geeriyooday xabad wiifto ah

    Aabe Cali Faarax, wuxuu BBCda u sheegay in wiilkiisu u ahaa garab weyn iyo cudurkisii ka caawinayey goobo ganacsi oo uu leeyahay

    “Wuxuu dugsiga sare uga tagay fasalka labaad, wuxuu doortay inuu shaqaysto waana ka caawiyey, wuxuu gacanta ku hayey dukaan lagu gado alaabta electaroonigaa oo aan ku leeyaha Muqdisho, isaga ayaana masuul ka ahaa oo gadayey, wuxuu ii ahaa garab weyn oo iga baxay” ayuu yiri Cali Faarax.

    Cabdicasiis, wuxuu ahaa 23 sano jir waayaha noloshu u cusbayd, mar ayuu aabihiis Cali Faarax u sheegay inuu doonayo inuu u tahriibo dibadda gaar ahaan Maraykanka balse Cali, ayaa BBC-da u sheegay inuu ka hor istaagay arrintaasi oo ku qanciyey inuu ka shaqeeyo ganacsigooda.

    isagoo sii hadlayey wuxuu Cali, sheegay in ehelladiisa ay dhibane u yihiin markii labaad xabado loo riday sida uu hadalka u dhigay dabaaldagyda iyo munaasabado kale.

    “Qoyska adeerkay ayaa waxyeelo ka soo gaartay, oo dad kaga dhinteen kuwo kalana ku curyaameen xabado loo riday dabaaldag xilligii la dooranayey madaxwyene Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu intaas raaciyey Cali.

    Booliska Soomaaliya oo askar u xiray xabo ay rideen xilligii dabaaldaga 26kii June.

    booliska

    XIGASHADA SAWIRKA,CIIDANKA BOOLIISKA SOOMAALIYEED ·

    Booliska Soomaaliya ayaa bartooda Facebook soo dhigay qoraal ay ku sheegeen in taliska ciidanka boliiska ay xireen askar ka tirsan ciidamada oo loo haysto sida warka booliska lagu sheegay inay rasaas rideen intii lagu jiray dabaaldagyadii xoriyada.

    “Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya hay’adaha ammaanka caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 askari oo ka kala tirsan ciidanka qalabka sida.Askartaan ayaa ku eedeysan in ay jabiyeen amarkii ahaa in aan la ridi karin rasaas, inta lagu guda jiro dabaal dagga todobaadka xuriyadda.

    Waxaa socota baaris, maadaama ay jiraan qasaaro ka dhashay rasaastii loo risaday sida sharci darada ah.”ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Soomaaliya.

    Taliska boolisku waxay intaa ku dareen in raggan la horgayn doono maxkamadda awoodda u leh, iyagoo intaa raciyey in ay ku jiraan baadigoobka kuwa kale.

    Dad badan ayaa siyaabo kala duwan ugu waxyeellooba xabadaha la rido xilliyada ay jiraan munaasbadaha magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mida Soomaaliya.

    BBC SOMALIA ISHA WARARKA

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.