Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

      September 16, 2025

      DG Waqooyi Bari oo si adag ugu hadashay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar iyo Fariin ay u direen DFS

      September 16, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

      September 16, 2025

      Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

      September 16, 2025

      Duqeymo iyo madaafiic ku socda Qasa

      September 16, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

      September 16, 2025

      MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

      September 16, 2025

      Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

      September 16, 2025

      Duqeymo iyo madaafiic ku socda Qasa

      September 16, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Cabsi horleh oo kasoo korortay ‘dib u faagista’ qabuuraha Iskuul Buluusiya

    Cabsi horleh oo kasoo korortay ‘dib u faagista’ qabuuraha Iskuul Buluusiya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 12, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa isa-soo tareysa cabsida caafimaad ee laga muujinayo soo faagista maydadka ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiyo, kadib amarkii dowladda ay 10 cisho gudahood ugu qabatay dadka eheladooda ku aasan yihiin inay kula baxaan.

    Yuusuf Garaad oo qoraal kasoo saaray arrinkaan ayaa sheegay inay sareyso khatarta caafimaad ee ka dhalan karta tallaabadan, maadaama dadka qaarkii ee halkaasi ku aasan ay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah.

    “Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago?,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

    Sidoo kale waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay go’aanka dowladda, waxa uuna yiri “Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia. Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan.”

    Waxa uu intaas kusii daray “In ehelka meytada laga xishoon waayo, lagana horkeeno Dowladda, ma aha talo u adeegeysa danta dadka iyo Dowladda toona. Ma aha in sas la qaadsiiyo agoon iyo rajo waalidkood ku aasan yahay qabuurahaas.”

    Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad

    Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia.

    Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan.

    Marka hore, qabuuro waa la kor degaa, laakiin waa marka sannado hore dadka lagu aasi jiray.

    Qabuuro weli la adeegsado, murugadii geerida dadka ku aasan aan weli ehelkoodu ka soo kaban, ma ahan in logo yeero in ay soo fagaan meydka.

    Marka labaad, meyd in la aaso waxaa ka dhib badan oo ka culus in la soo saaro lafahiisa oo dhammaystiran iyo haddii xubnihiisa kale ay wax ka hareen.

    Waxay u baahan tahay farsamo iyo aqoon u gaar ah. Qofka qodayaa ma og yahay in 206 lafood ay ku jiraan jirka aadanaha? Mise og yahay sida ay u eg yihiin iyo sida uu u raadin karo?

    Midda kale, dadka qaarkii waxay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah.

    Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago?

    Muqdisho dhul Dowladeed kuma yara

    Hore ayaan ugu nooleyn caasimad laga waayay beer lagu nasto, bannaan lagu lugeeyo iyo Xeeb munaasib ah oo dhismayaashu ka fog yihiin oo nadiif ah oo lagu dabaasho, lagu nasto, lagu fekero ama lagu istareexo.

    In ehelka meytada laga xishoon waayo, lagana horkeeno Dowladda, ma aha talo u adeegeysa danta dadka iyo Dowladda toona.

    Ma aha in sas la qaadsiiyo agoon iyo rajo waalidkood ku aasan yahay qabuurahaas.

    Ugu dambeyn, Soomaaliya ma aha Xamar oo keliya. Maxaa qasab ka dhigay in dhul kasta oo Federaalku u baahdo, laga doondoono Xamar gudahihiisa?

    Maskaxdu ha shaqeyso, shacabkana yaan lagu dhiirran ee ha la xaqdhowro.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.