Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye Hoggaamiyaha Maamulka sida Kumeel-gaarka ah u aqoonsan tahay Dowladda Federaalka ee SSC-Khaatumo ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu abaabulayo duullaan ka dhan ah Maamulkiisa.
Firdhiye ayaa sheegay in jab wayn la gaarsiiyay ciidamada Somaliland sanad kahor markii dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanno katirsan Gobolka Sool balse Muuse Biixi oo dhegaha ka furaysanaya uu dib u abaabulayo duullaan waa sida uu hadalka u dhigay.
SSC-Khaatumo ayuu Firdhiye tilmaamay in aanay weerar ku ahayn dhinaca Somaliland hayeeshee Madaxweyne Muuse Biixi oo dano siyaasadeed oo gaar ah ka leh dagaallada uu abaabulayo uu dejiyay qorshooyin dagaal.
Muuse tala xumadii & dulmigii uu shalay ku jabay ayuu dib usoo celinayaa, Dadka aynu deriska & ehelka nahay waxa aan leeyahay haddii shalay taladu idin seegtay maanta Ninkaas iyo inta la socota iska qabta idinku, anaga hanaga qabanina, Muuse Biixi waxa uu dib usoo celinayaa talo xumadii uu shalay ku jabay” Ayuu yiri Cabdulqaadir Firdhiye, Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.
Gobolka Sool waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda waxaana wada ciidamada Somaliland iyo kuwa Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, dadka deegaanka ayaa ku warramay in xiisadda labada dhinac dareen cabsi ay ku beertay.