Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland, isaga oo helay 65 cod, halka Ismaaciil Cabdi Keerow uu helay 7 cod. Doorashadan oo ka dhacday magaalada Kismaayo, ayaa waxaa ka qayb qaatay xildhibaanada Golaha Wakiilada Jubbaland.
Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa markii uu guuleystay uga mahadceliyay xildhibaanada taageeray, isagoo ballan-qaaday in uu sii wadi doono horumarka Jubbaland iyo xoojinta shaqada Golaha Wakiilada.
Sidoo kale, doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto 25-ka bisha Noofembar, taas oo noqon doonta doorasho kale oo muhiim ah oo la xiriirta hoggaanka maamulka Jubbaland.
Dowladda Federaalka iyo Saaxiibada Caalamiga ah, ayaa hore ugu baaqay in wadatashi laga sameeyo doorashada si ay u noqoto mid hufan oo lagu wada qanacsan yahay.