Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Magacaabista Ra’iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Magacaabista Ra’iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Caalamka oo laga hadal hayo wiil Soomaali ah oo dilay xaaskiisa oo aheyd caddaan

    Caalamka oo laga hadal hayo wiil Soomaali ah oo dilay xaaskiisa oo aheyd caddaan

    By radiohalgan.comApril 6, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Soomaalida dalka Sweden ayaa aad u hadal hayey dhacdo la xiriirta wiil Soomaaliyeed oo xaaskiisa oo uur lahayd ku dilay magaalada Γ–rebro oo 100 mayl galbeed ka xigta caasimadda Stockholm.

    Wiil Soomaali ah oo la yiraahdo Maxamed-Amiin Cabdirisaaq Ibraahim oo 22 jir ah ayey booliska ku eedeeyeen inuu dilay xaaskiisa oo lahayd uur todoba bilood ah.

    Dhacdadan ayaa la soo weriyey inay dhacday sannadkii hore, bishii April, waxaase iminka soo cusboonaysiiyey ka dib markii kiiskiisa ay boolisku maxkamad u gudbiyeen.

    Boolisku waxay kiiskan ka soo saareen warbixin 1,000 bog ka kooban oo masawirro ay la socdaan.

    Xaaska oo ah 20 jir la yiraahdo Saga Forsgren Elneborg, ayna ninkaas wada socdeen qiyaastii muddo labo sano ah ayaa meydkeeda laga helay gurigeeda, wax lagu tilmaamay β€œdil sharafeed” sida ay warbaahinta dalkaas sheegayso.

    Elizabeth Anderson oo ah dacwad oogaha muddiciga ku ah Maxamed Amiin waxay ku doodday in uu xaaskiisa dilay ka dib markii uu β€œceejiyey”, ayadoo ilmihii uurka ay ku siddayna uu geeriyooday.

    β€œWaxaan ula jeedaa in dilka ay ku dhex jirtay arrin sharaf la xiriirta, waayo ninku wuxuu doonayey inu ilaaliyo sharaftiisa iyo tan qoyskiisa, wuxuuna dilay haweeneyda iyo ilmihii ay sidday,” ayey tiri dacwad oogaha.

    β€œSi xoog leh ayuu ugu sirqiyey waayirka nalka sariirta dhinaceeda la dhigo,” ayey tiri dacwad oogaha oo uu soo xigtay wargayska Afton Bladet.

    Waxaa la soo bandhigay farriimo ay is dhaafsadeen oo farriinta ugu dambaysay ay ahayd β€œila hadal”. Isla habeenkaas ay farriimaha is dhaafsadeen ayaa meydkeeda la helay.

    Farriimaha waxaa sida ay warbaahinta sheegayso ku jiray inuu u soo jeediyey gabadha in ay ilmaha iska soo riddo.

    Qoyska ninka eedeysanaha ah ayey dacwad soo ooguhu sheegtay in aan lagu helin caddayn muujinaysa inuu la socodsiiyey in gabar ay uur u leedahay, taasoo doonaysay in todobaad ka dib ay u soo guurto.

    Ninka la tuhunsan yahay marnaba arrinta Saga ama ilmaha uurka ku jira uma uusan sheegin qoyskiisa, waxaana lagu soo koriyey si sharaf waafaqsan, wuxuuna ogaaday in aysan arrintan isaga u fiicnayn,” ayey sii raacisay.

    Gabadha geeriyootay hooyadeed ayaa iyadana mid ka mid ah wargaysyada Sweden ka soo baxa u sheegtay in ay β€œaad u faraxsanayd gabadheeda oo ay ku talo jirtay in ay guri cusub u guurto, nolol cusub oo hooyonimana billowdo. Tani waxay ahayd arrinkii ugu darnaa,” ayey tiri.

    Maxamed Amiin oo hadda ku eedeysan dilka gabadha oo kaliya waxaa maxkamadiisa oo laba todobaad soconaysa ay bilaaban doontaa 10ka bishan, wuxuuna diiday inuu wax khalad ah sameeyey.

    Waxaan isku d aynay in aan la xiriirno madaxda jaaliyadda iyo qoyska Maxamed Amiin, laakinse nooma suurto-galin in aan faahfaahin dhankooda ka helno.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.