Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » C/raxmaan C/Shakuur oo 6 su’aalood ka keenay heshiiska Difaaca ee Somalia iyo Turkiga

    C/raxmaan C/Shakuur oo 6 su’aalood ka keenay heshiiska Difaaca ee Somalia iyo Turkiga

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 21, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaasoo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed – isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

    “Heshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa go’aan Soomaaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa go’aan Soomaaliya ka saaraya madi-nimadii iyo walaal la’aantii, waa go’aan Soomaaliya u sameynaya saaxiib dhab ah oo ay caalamka ku yeelato”.

    Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa faah faahiyay heshiiska Iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo ay maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen golaha Wasiirada labada Gole ee Baaralamaanka dalka.

    Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur oo ka tirsan xubnaha Golaha shacabka Somalia ayaa lix su’aalood ka keenay heshiiskan ka dib qoraal uu soo saaray

    Ka sokow dhibaatooyinka gudaha dalka ee takrifalka awoodda, eexda, musuqa, aqoon iyo garasho nacaybka, waxyaabaha ugu waawayn ee siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ku guuldaraysatay waxay ahayd  dagaalladii iyo loollankii inoo dhexeeyey innaga iyo Itoobiya iyo in aan maarayn waynay loollankii juqraafi siyaasadeedka (geopolitics competition) ee dunida xilligaa ka jiray, gaar ahaan Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeet.

    Inkastoo Madaxweynuhu sheegay in Baarlamaanku masuul ka yahay gobonnimada qaranka Soomaaliya,  nagunna aamini waayey in aan heshiiska aragno, ka doodno, ka dibna go’aan ka qaadanno, isaga ayaan aaminay in uu noo ogaado. Haddal waa la diiday, hirarka xamaaska iyo mowjadaha laablakaca ee sacabka iyo sawaxanka lagu laray ee difaaca badda ayaa na jiiray, dhankeyga ayaana ka ansixiyey, laakiin su’alaaha heshiiska aan ka keeni lahaa haddii fursad gaar ah ama gudaha Baarlamaanka la i siin lahaa ayaa ah.

    1- Ma caddahay in dawladda Turkiga ay difaacayso gobonnimada xudduudaha badda,  berriga iyo cirka Soomaaliya. Tusaale; haddii ay dawladda Itoobiya ciidan geyso dhulka Soomaaliya ee ay saldhigga Milateri ka samaysanayso, dawladda Turkiga ma naga difaacaysaa? Haddiise ay Turkigu arkaan in dantooda aysan ku jirin in ay Itoobiya isku dhacaan heshiiska muxuu ka yeelayaa?

    2- Heshiisyadda difaaca ee dawladaha kale ee ay Itoobiya ka mid tahay lala soo galay xageey ku danbaynayaan?

    3- Innagu Itoobiya ayaan is haynaa, laakiin sideen u maaraynaynaa saamaynta taban ee ka imaan karta dawladaha ay Turkiga is hayaan? Haddii si kale loo dhigo, sideen oo maaraynaynaa loolanka juqraafi siyaasadeed (geopolitical competition) ee ka dhasha heshiiska?

    4- Dawladdu maxay u qaadi la’dahay tillaabooyin kale oo looga hortegayo damaca Itoobiya? Maxaa xiriirka Itoobiya hoos loogu dhigi la’yahay? Maxaan duulimaadka diyaaradaheeda u joojin la’nahay ama u dhimi la’nahay? Maxaa ciidanka Itoobiya ee aan ATMIS ka tirsanayn ee dalka jooga loo saari la’ yahya, kuwa ATMIS ka tirsanna loo beddeli la’yahay?

    5- Sidee loo maamulayaa Kalluunka baddeena ee la sheegay in ay Turkidu ka ceshanayaan lacagta kaga baxda difaaca badda?

    6- Hore ayey inoo soo martay in Soomaaliya  heshiis difaac ay gashay ka baxdo ama looga baxo, haddii Turkigu go’aansado inuu heshiiska ka baxo ama aan innagu u aragno in aan ka baxno maxaa dhacaya?

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.