Bulshada Magaalada Beledweyne wax maloqabta mase sawiiro ayaa laga qataa? Hay’adda MRDO ayaa Beledweyne ku qabatay tababar looga hadlayay isdhaxgalka bulshada iyo sinaanda dadka aayna ka qeyb-galeen bulshada Afarta xaafad ee
Hay’adda MRDO ayaa Beledweyne ku qabatay tababar looga hadlayay isdhaxgalka bulshada iyo sinaanda dadka aayna ka qeyb-galeen bulshada Afarta xaafad ee Beledweyne iyo dad ka kala socday Kaamamka barakacayaasha ee Beledweyne ku yaalla.
Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Mudane Cabdul-waajid Cumar Nuuriyoow ayaa soo xeray tababarkaasi.
Hase-yeeshee Markasto Waxa lagu qabta Tababaro waxa laguma qabto Bulshada Magaalada Beledweyne
Mudada tababarkaasi uu socday waxaa looga hadlay In bulshada laga wacyigeliyo waxa aay tahay midbad takoorka iyo sida uu u saameeyo qofka iyo guud ahaan bulshada.
Inta uu socday tababarka waxaa bulshada laga wacyi geliyay in laga fogaado takoorka dadka qaar bulshada kale kulmaan.
Sidoo kale in la yareeyo ama laga hortago dhaqamada Takooridda ee ka dhasha Midabka IWM ayaa tabarka dadka lagu baray.
Tababarkan oo aay qabatay hay’adda MRDO ayaa Bulshada ka qeyb-gashay tabarkaasi oo warbaahinta lahadalay ayaa sharaxaya waxyaabihii aay ka faa’ideen inta uu socday tababarkani waxa aayna u mahadceliyeen hay’adda MRDO.
Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Mudane Cabdul-waajid Cumar Nuuriyoow oo soo xeray tabarkaasi isla markaana bogaadiyay ayaa ku baaqay in la kordhiyo tabarada nuucaan oo kale ah si kor loogu qaado is dhaxgalka bulshada maamulka dhac dhac ugu helo waa sida hadalka u.dhigay Guddoomiyaha