Booliska ayaa adkeeyay ammaanka maagalada caasimadda ee Muqdisho, iyadoo ay jirto diginin amni xilli shacabka magaalada ay ku jiraan u dabbaaldagga ciidda, kadib markii ay soo dhamaatay bisha barakaysan ee Ramadan.
Hadalka Booliska Soomaaliya ayaa imaanaya 48 saac ka dib markii Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay sheegtay inay heshay xog ku saabsan halis amni oo ku aaddan dhowr goobood oo ka mid ah Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport.
Walaaca dhanka ammaanka ah ayaa keenay in dowladda Mareykanka ay soo saarto digniino, taasoo keentay in la hakiyo qaar ka mid ah duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaanjira jiray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya hal maalin.
Ilaalada Safaaradda ku leedahay Xarunta Xalane ayaa la xoojiyay, si ay uga hortagaan weerarada, iyadoo digniinaha ay ka soo baxayaan Xalane ay gaarayaan nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde.
Tan iyo markii la weeraray Hotelka SYL, magaalada Muqdisho waxay gashay feejignaan dheeri ah, iyadoo ciidamada ammaanka ay xoojiyeen howlahooda shaqo, waxaana ciriiri geliyay isu socodka magaalada.