Ciidanka Booliiska gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska dagmadda Waabari ayaa soo xiray Eedeysane Mascuud Cabdullaahi Afrax (Garweyne), kaas oo lagu eedeeyey in uu u gafay Garsoorka dalka.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska qeybta guudee Boliiska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri, “Eedeysanahaan ayaa ku eedeysan in uu u gafay Garsoorka Dalka waxba kama jiraana kutilmaamay xukunno kasoo baxay Maxkamaddaha Dalka.”
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Eedeysane Mascuud Cabdullaahi Afrax (Garweyne) la horgeyn doona Maxkamadda awood u leh si degdeg ah. Waa sida lagu yiri warka ka soo baxay Taliska.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha ammaanka guud iyo sareynta shariga, waxeyna markale uga digayaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan been abuurka Hay’addaha Cadaalada Dalka,” sida lagu yiri Taliska qeybta guudee Boliiska gobolka Banaadir.
Todobaadkaan gudihiisa ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa dhallinyaro gaareysa ku dhawaad 40 isugu jira Rag iyo Dumar soo xiray, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay Baraha Bulshada ka wadeen kicin iyo abuurista naceybka.