Booliiska UK ayaa sheegay inay xireen nin geystay weerar uu adeegsaday toorey ka dhacay fagaaraha Leicester Square ee magaalada London.
Ninka ayaa si toos ah u tooriyay dadkii ku sugnaa goobta, waxaa khasaare ka soo gaaray gabar 11 jir ah oo xalaadeeda culustahay iyo haweeney 34 jir ah oo dhaawacyo fudud ay soo gaareen.
Goobta uu ninkaan weerarka ka geystay ayaa ah fagaare ay toddobaad kasta soo booqdaan in ka badan 2.5 milyan oo qof, iyada oo ay ku yaallaan dukaamo, tiyaataro, shineemo iyo maqaayado.
Booliisku waxay sheegeen in dhacdadii Isniintii ka dhacday fagaaraha dhexe ee London aan lagu tilmaami Karin weerar “argagixiso”.
Weerarla ayaa ku soo adaya xilli mudahaadyo xooggan oo looga soo so horjeedo dadka magangalyo doonka ah ay ka socdeen gudaha dalkaasi UK.