Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Booliiska Soomaaliya oo warbahiinta u sheegay halka ay gayn doonaan lamanahaan da’da yar ee ay xireen

    Booliiska Soomaaliya oo warbahiinta u sheegay halka ay gayn doonaan lamanahaan da’da yar ee ay xireen

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 29, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Faisa iyo Cabaas waa labo lammaane ah oo da’yar kuna nool magaalada Muqdisho. Bartooda TikTok ayaa aad loogu bartay muuqaalada nolosha qoyskooda ku saaban ee ay halkaas ku baahiyaan, iyagoo marwalba muuqaaladoodu muujinayaan dabaqadda ay bulshada kaga jiraan nolol ahaan.

    Mar walba waxay ku muujiyaan muuqaaladooda in ay isku faraxsanyahiin noloshoodana ku qanacsanyahiin.

    Muuqaalada ay ku daabacaan barahooda TikTok iyo Facebook waxaa daawata malaayiin qof oo siyaabo kale duwan uga falcelisa kuwaas oo u badan dhallinyaro.

    Nolosha qoysaska jiilashan danbe oo online-ka aad uga dhex muuqata ayaa bulshada Soomaalidu dhexdeeda isku eedeysaa in wax walba ay ku soo baahiyaan baraha bulshada ee ay isticmaalaan, xitaa noloshooda hoose.

    Sababta ay sidaas dad badan u sameeyaan ayaa lagu tilmamaay in ay thay si ay u helaan daawadayaal badan , taas oo usii sahasha in ay ka sameeyaan dhaqaale ay ku maareeyaan nolol maalmeedkooda.

    Lamaanahaan da’ada yar ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa muuqaal ay soo galiyeen barahooda bulshada aad looga falceliyay – waa muuqaal ay Faisa u qabaynayso Cabaas.

    Barta Facebook oo keliya muuqaalkaas waxaa la daawatay in ka badan 1 milyan oo jeer halka barta TikTok-na ay daawatay ku dhawaad todobo boqol oo kun.

    Laamaha amaanka ayaa xidhay lamaanaha iyagoo ku eedeeyay ‘in muuqaalku ahaa mid anshax daro ah’.

    Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle sare, Qaasim Axmed Rooble oo BBC-da lahadlay ayaa sheegay in hawlgal looga hortagayo dhaqan xumada ay ku soo qabteen lamaanaha.

    “Ayaga oo qabaysanaya ayay muuqaal iska duubeen, arrintaasina mid sharciga garab marsan weeye; dhaqanka, diinta iyo edaabtana mid garab marsan weeye,” ayuu afhayeenku.

    Booliska Soomaaliya ayuu sheegay in mar walba ay idin u haystaan ka hortagista falalka anshax darrada.

    “Waxaa ciidanka booliiska ka go’an oo amarada la siiyay kamida meel walba oo ay joogaan, wax alaala waxii dhaqan xumo ah in ay la dagaalaman dhallinyarada soomaaliyeedna waxaan ku wargelinaynaa cidii sharciga u hoggaansami wayda ee dhaqan xumo wada in aan la dagaalami doono,”

    Sida uu BBC da u sheegay Abuukaate Cabdinaasir Xuseen, Xeerka Ciqaabta ee Soomaaliya ayaa leh qodobdo tilmaamaya in waxyaalaha anshax darrada ah loo xiro karo muwaadinka, balse waxa aan cadayn in falka lagu xiray lamaanahaan uu noqonayo mid xeerku u aqoonsan doono anshax darro iyo in Kale.

    Qaar kamid ah ehelada ayaa sheegay in ay iyagu dalbadeen in la xiro, maadaama aysan ku qanacsanayn muuqaalada ay lamaanuhu soo bandhigayeen. Balse waalidka dhalay lamaanahaan oo aan isku daynay inaan la xiriirno ayaan noo suuragalin.

    TikTok

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Boolisku waxay sheegeen in 48 saacadood ka dib ay ku wareejin doonaan kiiskaan laamaha garsoorka.

    Xidhitaanka lamaanahaan ayaa baraha bulshada Soomaalida hadal hayn ka dhaliyay siyaabo kala duwan ayaana looga falceliyay, kuwo way ku maadsadeeen, kuwana way dhaleeceeyeen oo waxay ku tilmaameen anshax daro xad-dhaaf ah.

    Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in ay usoo jeedsadeen in ay si dhab ah wax uga qabtaan dadka baraha bulshada ku faafiya waxyaabaha anshax darada ah, waxuuna sheegay in hadda ka hor haddii ay amniga aad ugu mashquulsanaayeen in ay haddana wakhti badan gelin doonaan waxka qabashada dadka dhaqan xumada faafiya.

    BBC-da oo weydiisay sida ay dadka baraha bulshada isticmaala ee dhaqan xumada faafiya ay ula dhaqmayaana waxuu ku jawaabay: “Anniga ma jirto xeerar gooni ah oo aan dejino, qofkiise anshax xumo sameeya waxaan geynaynaa muddo 48 saac ah guddahood maxkamad, maxkamadda ayaana la macaamilaysa xeerarka yaala ayaana lamarsiinayaa,”

    Afhayeen ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan dadyoow kale oo ay doonayaan iyagana in ay soo qabtaan kuwaas oo baraha bulshadana ‘xumaan ku faafiya’.

    Bulshada oo si dhow ula shaqaysa ayuu sheegay in ay u dhibyaraysay marwalba in ay soo qabtaan dadyowga faafinaya ‘waxyaabaha xun’ qalabyada ay isticmaalaana ay u ogolaanayaan qofka meeshuu joogo in ay ogaadaan taas oo laamaha amaanka u sahasha in ay soo qabtaan qofkay rabeen.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    YouTuber caan ah oo mar sheegay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay uu ceelal ka qodayo oo dacwado loo heysto

    September 23, 2024

    Sida taleefan lagu dhex dafay London muddo yar ka dib loogu arkay dalka Shiinaha

    September 7, 2024

    Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo la shaaciyay iyo arday badan oo…

    August 27, 2024
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.