War kooban oo kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ku sugan Saldhigga Degmada Dharkaynlay ay gacanta ku dhigeen Nin ku eedeysay in Degmadaas ku dilay balse baxsad lagu daba-joogo uu ahaa.
Booliiska ayaa soo bandhigay Ninkaan ku eedeysan in uu dhaawac u gaystay Ismaaciil Yuusuf Axmed Iana Muumino Maxamed Cumar oo 40 jir ah oo markii dambe u geeriyooday dhaawacaas sida lagu sheegay qoraalka Booliiska.
Lama shaacin Magaca eedeysanaha uu Booliisku soo bandhigay Sawirkiisa waxaana loo gudbinayaa Hay’adaha Baarista si loo diyaariyo galdacwadeedkiisa loo gudbinayo Maxkamadda awoodda u leh kiiskaan.
“Howlgal ay sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka saldhigga degmada Dharkenlay waxaa gacanta lagu soo dhigey gacan ku dhiigle ladaba Joogay. Taariikhda markay aheyd 09-05-2024 ayuu dhaawac u geystay muwaadin Soomeeliyeed oo lagu magacaabo MARXUUM ISMAACIIL YUUSUF AXMAD INA MUUMINO MAXAMED CUMAR 40 jirah kaas oo u geeriyoodey dhaawicii soo gaaray” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaray adkaynta amniga Magaalada Muqdisho iyo deegaannada dhaca duleedka Caasimadda waxaana ay gacanta kusoo dhigeen dad ku eedeysan kiisas kala duwan.