Close Menu
    What's Hot

    Magacaabista Raโ€™iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

    February 5, 2026

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

      February 4, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐–๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Magacaabista Raโ€™iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

      February 5, 2026

      Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

      February 4, 2026

      ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

      February 4, 2026

      DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

      February 4, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home ยป Bilan Osman: Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee hadalhaynta ka dhalisay Sweden?

    Bilan Osman: Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee hadalhaynta ka dhalisay Sweden?

    By radiohalgan.comApril 11, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Bilan Cusmaan oo ku nool dalka Sweden ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadalhayn ka dhalisay guud ahaan baraha bulshada gaar ahaanna dalkaas, ka dib hadal uu sheegay nin isaguna dalkaas kasoo jeeda.

    Gabadhan oo wariye ah, asalkeeduna Soomaali yahay, ayaa ka olโ€™oleysa arrimaha islaam nacaybka iyo kooxaha midigta fog ee dalkaas iyada oo qortay maqaallo badan oo ay kaga hadlayso arrimahaas.

    Nin sida la sheegay isaguna wariye ah dalkaasna u dhashay ayey is barteen kaas oo Bilan qudheedu sheegtay in ay laba sano xiriir la lahayd, balse wuxuu sheegay in uu soo bandhigi doono caddeymo muujinaya โ€œwaxa dhabta ah ee Islaamku yahayโ€, sida ku xusan qoraal uu soo dhigay barta internet-ka.

    Arrintan ayaa hadal hayn weyn ka dhalisay baraha bulshada Soomaalida ee qurba joogta.

    Eadaymaha uu usoo jeediyay Bilan ninkan oo lagu magacaabo Christian Peterson ayaa ka mid ah in ay bahisay xogta ilwareed loo baahnaa in la qariyo.

    โ€œDuubis sir ah waxay ugu yaraan Bilan Cusmaan muujisay xogta ilwareedka Expo ee dhaqdhaqaaqa taageersan Swedenโ€, tan oo ah ayuu yiri โ€œdembi lagu mutaysan karo xabsiโ€.

    Hadalka ninka ka dib, Bilan ayaa barteeda Twitter soo dhigtay qoraal taxane ah oo ay isku difaacayso kagana jawaabayso waxa uu sheegay ninkaasi.

    โ€œQaarkiin waad arakteen baan u maleynayaa in ay socoto dhaleeceyn aan raad lahayn oo aniga igu saabsan oo ka socoto baraha bulshada. Waxaa dhaleeceyntaas iyo eedeyntaas xun u ololeynaya mid cunsuriyiinta midigta xagjirka ah ka tirsan, waa isla ninkii abaabulay in la gubo Qur’aanka Kariimka laba sano ka hor, waxaan xiriir la lahaa labo sano, taas oo aan ahayn sir oo ay ogaayeen inta badan dadka aan isnaqaanay, saaxiibaday iyo qoyskayga iyo weliba dadkii aan wada shaqeyneyney dhamaantood way ogaayeen xiriirkaasโ€ ayey ku bilowday qoraalkeeda.

    Si kastaba ha ahaatee Bilan waxay sheegtay nooca xiriirka ee ay la lahayd ninkan in uu ahaa mid saxafinimo ee uusan ahayn mid jacayl.

    Waxay sheegtay in ay baaritaan ku samaynaysay kooxaha midigta fog ee ninkani ka tirsan yahay sidaas darteedna uu ka mid ahaa dad ay xiriir la samaysay isla markaana ay โ€œxoogaa naxariis ahโ€ u muujisay si ay u dhex gasho.

    Waa tuma Bilan Cusmaan?

    Bilan

    XIGASHADA SAWIRKA,X

    Qoraalka sawirka,Bilan waxay si aan gabbad lahayn uga hadashaa cunsuriyadda iyo islaam-nacaybka

    Bilan waxay magaalada Goteborg ee dalka Sweden ugu dhalatay waalidiin ka yimid Soomaaliya. Waxay ahayd bare sare oo maaddada kimistariga dhigi jirtay iyo dhaqdhaqaaqe, waxayna ku soo barbaartay magaalada Partille.

    Awoowgeed oo dhalay aabbaheed, oo lagu magacaabo Nuur Cusmaan, wuxuu ahaa gabyaa. Waxay saxaafadda ka baratay dugsiga saree e Bona Folk.

    Bilan waxa ay wax ku qori jirtay sannadihii 2018 iyo 2019 wargeysyada Svenska Dagbladet iyo Expressen. Waxay sidoo kale maqllo raโ€™yi ah u qortay daabacado kale oo Iswidhish ah, oo ay ku jirto majaladda Opulens. Muddo siddeed sano ah oo ka bilaabmaysa 2013, shaqadeeda aasaasiga ahi waxay ahayd bare socdaal oo ah aasaaska bandhigga ka hortagga cunsuriyadda. Kadib waxa ay ku biirtay ururka Ibn Rushd Study Association.

    Intii ay ku jirtay saxaafadda waxay maqaallo badan ka qortay cunsuriyadda iyo islaam-nacaybka, waxaana ka mid ah maqaal ay ciwaan uga dhigta โ€˜Hadda waxay si lama filaan ah u noqotay in laga hadlo Islaam-nacaybkaโ€.

    Sannadkii 2013, Bilan waxa ay ka mid ahayd shan saxiixeyaal warqad furan oo lagu daabacay wargeyska Aftonbladet oo ku boorinaysay haweenka Muslimiinta ah ee Sweden in ay xijaabtaan kadib haweeney uur leh oo uu nin ka soo horjeeday xijaabka Stockholm ku weeraray. Waxay markaas sheegtay in kooxdu ay doonayso in xijaabku caadi ka noqdo Sweden.

    Iyada oo ka jawaabaysa dilkii George Floyd iyo dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter ee Maraykanka, Bilan Cusmaan waxay sheegtay in ay rabtay “in ay bilowdo wadahadal ku saabsan caddaannimada” gudaha Sweden. Waxay ka hadashaa xagjirnimada garabka midig waxaana lagu eedeeyay xagjirnimada garabka bidix; horraantii 2024 qoraal Facebook ah oo ay ku muujisay xanaaqa dadka cadaanka ah ayaa horseeday dhaleeceyn.

    Sannadkii 2014 Bilan Cusmaan waxa ay ahayd qofka helay abaalmarinta sannadlaha ah ee ELSA ee Guddiga Iswiidhishka ee ka hortagga nacaybka, kaas oo la siiyo “shakhsiyaadka ama kooxaha, kuwaas oo u isticmaalaya warbaahinta bulshada ama siyaabo kale, ka hortagga nacaybka”. Sannadkii 2020 waxay ahayd mid ka mid ah afar musharax oo u sharaxanaa abaal marinta “Xiddigta soo kacaysa” ee Ururka Daabacadaha Joornaalka Iswidhan.

    Si kastaba ha ahatee mowduucyada ay Bilan ka hadasho ayaa asal ahaan ah kuwa ay muran ku xeeran yihiin iyada oo waayadii u dambeeyay ay sare usii kacayeen kooxaha midigta fog ee qaar ka mid ah dalalka Yurub oo ay Sweden ku jirto

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Magacaabista Raโ€™iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

    February 5, 2026

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Magacaabista Raโ€™iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

    February 5, 2026

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.