Doorashada bisha soo socota la filayo in ay ka dhacdo Deegaannada Maamulka Somaliland waxaa kursiga Madaxweynaha ku loolamaya Saddex musharrax kala ah Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro & Faysal Cali Waraabe.
Saddexdaan musharrax ayaa sidaan oo kale ku loolamay doorashadii dhacday sanadkii 2017kii, musharraxa metalaya Xisbiga Waddani ayaa culeys badan saaray kan Xisbul-xaakimka ee Kulmiye si dirqi ahna uga guuleystay.
Marka kale ayay doorasho loolalnkeeda wadata isku arkayaan Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro & Faysal Cali Waraabe, dhinac weliba waxa uu af qabsi ka dhigtay in Maamulka Somaliland uu u jiheynayo dhabbaha toosan.
Musharrax weliba waxa uu isasiinayaa guusha doorashada aanay weli codbixinteeda dhicin, mucaaradka ayaa ku goodinaya in uu isbaddel cusub oo muuqda uu kusoo kordhin doonno Maamulka Somaliland haddii uu ku guuleysto codka Shacabka aftidooda dhiibanaya.
Xisbiga talada haya isla markaana uu hoggaaminayo Madaxweynaha haatan xafiiska jooga waa Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhankiisa sheegay in uu dhammeystiri doonno mashaariic iyo howlo qabyo u ah oo meelo wanaagsan lasoo gaarsiiyay.
In doorashadu dhacdo waxaa waqtiga loo muddeeyay ka dhiman 30 cisho, waxaa socda loolan adag oo ay wadaan xubnaha mucaaradka ah ee isbaddel doonka ah iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee talada haya oo qudhiisa ku goodiyay in uu markale hoggaanka sii dheereysan doonno.
La soco wixii kasoo kordha