Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xaanshi uu u diray Madaxda Dalalka Carbeed ee Qatar iyo Masar waxa uu uga dalbaday in ay dadejiyaan wadahadalka lagu doonayo in lagu dhaliyo xabbad-joojin ka dhaqangasha Magaalada Gaza.
Sarkaal katirsan Aqalka Cad oo Warbaahinta qaar ay soo xigatay ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu aad uga caraysan yahay in aanay ilaa haatan la gaarin xabbad-joojin taasi oo qorshuhu ahaa in bisha Ramadaan lagu soo beego.
Haatan waxa uu Joe Biden doonayaa in wixii ka dambeeya Axadda Berri ah in la gaaro Xabbad-joojin degdeg ah si ay u ciidaan Dadka Magaalada Gaza una helaan gargaarka bani aadamnimo ee ku xayiran Jamhuuriyadda Carabta Masar.
“Madaxweyne Joe Biden ayaa warqado u diray Qatar iyo Masar si ay u sameeyaan xabbad-joojin ay ku cadaadinayaan Xamaas in ay aqbasho qodobada fududaynaya wadahadalka, Aqalka Cad waxa uu danayanayaa xabbad-joojin dhaqangasha dhammaadka todobaadkaan si loo gaaro wada-xaajood jadwalaysan” ayaa yiri sarkaal katirsan Aqalka Cad ee Maraykanka.
Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa horay u sheegtay in aanay marnaba diidanayeen wadahadalka xabbad-joojinta iyo Maxaabiis Is dhaafsiga ah balse haddii loo fulinayo shuruudaha ay wadato geli doonto wadahadalkaas sida hadalka loo dhigay.
Israaiil qudheeda oo dhowr jeer genafka ku dhufatay wadahadal ama dhexdhexaadin laga dhex sameeyo Xamaas & Yuhuudda balse ugu dambayn Xukuumadda Netanyahu ayaa aqbashay waxaana ay dib u fasaxday wakiiladii wadahadalka ku metalayay Tel Aviv.