Maleeshiyaad la sheegay in ay yihiin macawuusley kasoo jeeda beesha Waceysle uu ka dhashay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa nin shacab ah kasoo afduubtay deegaan hoostaga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.
Ninkan ay soo afduubteen maleeshiyaadka kasoo jeeda degmada Ceeldheer ayaa la sheegay in uu ahaa nin beeraley deegaanka caan ka ahaa, waxaana ninkaas la sheegay in ay is hayeen ayna shirqooleen rag kale oo daris yihiin kuna heyb ah Madaxweyne Xasan Sheekh.
Maleeshiyaad kale oo iyana ku heyb ah ninka la afduubtay kana soo jeeda beesha Murusade ayaa iyana afduubteen labo nin oo ku heyb ah ragga afduubka hore geestay, waxa ayna raggan afduubka geestay ku baaqeen in lasoo daayo ninka qaraabada la ah ee la heesto , si iyana u daayaan ragga ay heestaan.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beesha Murusade oo shalay warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa si kulul u cambaareeyay afduubka loo geestay Cali Geelle oo ku heyb ah, waxa ayna sheegeen in falkaasi yahay mid la qorsheeyay lana geeyay ninkaasi degmada Ceeldheer.
Waxa ay ka digeen odayaasha beesha Murusade in la abuurayo fidno ka dhax bilaabata labada beel ee walaalaha ah sidoo kale dariska ah, waxa ayna ku baaqeen in si deg deg ah loo soo daayo ninka afduubka loo heesto ee la geeyay degmada Ceeldheer.
Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaana uga dartay kiiskan afduubka ah ee loo geestay ninka kasoo jeeda beesha Murusade, waxa ayna warbaahinta dowladda shaaciyeen in ninka la afduubtay uu ahaa horjooge katirsanaa Al sahbaab, warkan ayaana ka careysiiyay ehelada ninka dhibanaha ah.