Close Menu
    What's Hot

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» BBC-da oo la hadashay Qatar Airways iyo xaalka ‘diyaaradihii isku dhici gaadhay’ ee hawada Soomaaliya

    BBC-da oo la hadashay Qatar Airways iyo xaalka ‘diyaaradihii isku dhici gaadhay’ ee hawada Soomaaliya

    By radiohalgan.comFebruary 27, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    aahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa labo diyaaradood oo caalami ah oo ‘ku sigtay inay isku dhacaan’ xilli ay dulmarayeen hawada Soomaaliya kadib markii xog iska soo horjeedda laga siiyay Muqdisho iyo Hargeysa.

    Labada diyaarad oo kala ah diyaaradaha Qatar iyo Itoobiya oo kasoo kala kicitimay Dooxa iyo Addis Ababa ayaa sabtidii isu jirsaday masaafo isku dhow iyaga oo ku socdaalaya khad isku dhaw sida ay sheegtay Somaliland.

    Muqdisho iyo Hargeysa ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrinkan, oo ay markii ugu horreysay shaacisay Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

    Dhacdada ayaa timid maalmo kadib markii qalqal lageliyay diyaarad laga leeyahay Israel oo dulmareysay hawada Soomaaliya.

    Haddaba si faahfaahin u ogaanno, waxa ay BBC-du la hadashay dhinacyada ay khusaysay dhacdadani – Soomaaliya, Somaliland, Qatar Airways iyo Ethiopia Airlines.

    Sidee wax uga yidhaahdeen dhinacyada Somaliland iyo Soomaaliya?

    Toddobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii Haayadda Duulista iyo Madaarrada ee Somaliland ay ku baahisay boggeeda Facebook warka ku aaddan “in Soomaaiya ay xog khaldan siisay diyaarado isticmaalayay hawada Soomaaliya”, kuwaas oo kala ahaa duulimaadyo ay sameynayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

    Warka ay soo saartay Somaliland ayaa lagu sheegay “in labada diyaaradood la saaray laba khad oo isku dhaw oo kala ah, 40,000 ft iyo 39,000 ft, taas oo khatar galisay duulimaadyada, balse fariin digniin ah oo uu bixiyay qalabka ka diga isku dhaca keena shilalka ee saaran diyaaraduhu TCAS uu badbaadiyay,”

    Waxaana muuqaal aan BBC-du xaqiijin oo haayaddaasi baahisay ay ku sheegtay in ay yihiin duuliyayaashii diyaaradahaas wada hadlaya, is weydaarsanayana xogta badbaadooda.

    Dhanka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo BBC du la xidhiidhay waxay sheegeen β€œin aysan jirin wax khatar ah oo ay sababtay masaafada ay isku jireen laba diyaaradood, wax caadi ahna ay ka tahay caalamka”.

    Waxa kale oo ay intaas ku dareen Hay’adda Dullista ee Soomaaliya, in farriinta TCAS ee ay wadaageen diyaaraduhu aysan ahayn mid tilmaameysa wax khatar ah, balse ay ahayd mid wargalin uun ah.

    Hoggaanka haayaddu waxa uu sida oo kale BBC da uu u xaqiijiyay in ay xidhiidh la sameeyeen diyaaradda Qatar Airways oo ay saareen khadka 40,000, halka tan Itoobiya aysan waxba iska beddelin khadkii hore ay ugu socotay qorshaheedu ahaa.

    Maxay diyaaradda Qatar ka tidhi dhacdadan?

    .

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Haddaba si BBC-du faahfaahin dheeraad ah uga hesho sida wax u dhaceen ayaannu xidhiidh la samaynay shirkadda diyaarada ee Qatar Airways.

    Shirkadda ayaa afhayeen u hadlay noo sheegay, in hawshan iyo sida wax u dhaceen ay la wadaageen β€˜masuuliyiinta ay khusayso’.

    Dhanka kale shirkadda ayaa ku faantay in hawshan ay si habboon u maareeyeen duuliyeyaasheeda caalmiga ee u shaqeeya, kuwaas oo ay sheegtay inay u tababaran yihiin dhacdooyinka kediska ah ee ku qabsada hawada sare.

    “Qatar Airways waxay si weyn u maalgashataa nidaam farshaxan sare ah oo hubinaya in duuliyayaasheenna aadka u tababaran ay si badbaado leh ugu shaqeeyaan diyaaradahayaga dhex maaxaya hawada isku dhafan ee adduunka oo dhan,” ayaa uu sheegay afhayeenka shirkadda Qatar Airways ee la hadlay BBC-da.

    “Nidaamyadani waxay siinayaan shaqaalaheenna awood dhinacyo badan leh si ay u dejiyaan isu-socodka hawada iyo ilaalinta iyaga oo adeegsanaya kala soocid badbaadin leh,” ayuu sii raaciyey afhayeenku.

    “Arrinka la isla dhexmarayo waxaan ku wargelinnay mas’uuliyiinta ay khuseyso, waxaana si shaqsi ah u maareeyay shaqaalahayaga, si gebi ahaanba waafaqsan nidaamka Qatar Airways.”

    Inkasta oo shirkadda Qatar aysan si toos u sheegin sida wax u dhaceen, haddana waxa ay BBC-da u xaqiijiyeen in wixii maalinkaa hawada ka dhacay ay shaqaalaheedu maareeyeen, oo badbaadada rakoobkooda ka shaqeeyeen.

    Telefishinka Aljazeera oo soo xiganaya warbaahinta gudaha Qatar ayaa sheegtay diyaarada nooceedu yahay Boeing 787 ee Qatar Airways iyo tan Ethiopian Airlines Airbus A350 ay ku sigteen inay isku dhacaan maalinnimaddii sabtida xilli kormarayeen hawada Soomaaliya, arrinkan oo ay u tilmaameen inay abuureyso walaac amni oo hawada gobolka ah.

    Labada diyaarad ayaa u kala socday garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Uganda ee Entebbe iyo kan caalamiga ah ee diyaaradaha ee Dubai.

    Haayada ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan maamulka hawada ayaa la hadashay BBC

    XIGASHADA SAWIRKA,ICAO – FACEBOOK

    Qoraalka sawirka,Haayada ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan maamulka hawada ayaa la hadashay BBC

    BBC-da ayaa sida oo kale isku deyday in ay xidhiidh la samayso dhanka Ethiopian Airline, si aan faahfaahin uga helno illaa hadda se wax xog dheeraad ah nalama ay wadaagin.

    Sidoo kale, Haayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ICAO, ayaa ay BBC-du la xidhiidhay.

    Haayadda ayaa BBC-da u sheegtay in aanay ka falcelinayn xaaladdaas oo ay ka gaabsadeen, isla mar ahaantaana hawshaasi u taal dalalka ay khusayso.

    β€œWaxaan jeclaan lahaa in aan caddeyno in nidaaminta gaadiidka hawadu ay tahay mas’uuliyad gaar ah oo madaxbannaan sida waafaqsan Axdiga Duulimaadyada Caalamiga ah ee 1944. Marka la eego heerka ICAO oo ah hay’ad farsamo oo siyaasad ahaanna dhexdhexaad ah, kama faalloon karno wada shaqayntayada dawladaha xubnaha ka ah ama ahwlaha ku aaddan gudashada waajibaadkooda gaarka ah illaa dalkaasi noo igmado” ayaa uu sheegay afhayeen haayaddaas metelayey.

    ICAO, ayaa horey u maamuli jirtey hawada Soomaaliya ka hor intii aan lagu wareejin dowladda Soomaaliya sanadkii 2017, xilligaas oo Muqdisho si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada Soomaaliya. Xiisada u dhaxaysa Sooomaaliya iyo Soomaaliland ee wali ka taagan maamulka hawada ayaa timid ka dib diyaarado u socday Hargaysa oo ay jojiyeen haayada duulista ee Soomaaliya.

    Joojinta diyaaradahaas ayaa timid kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.