Kooxda kubadda Cagta ee Bayer 04 Leverkusen kana dhisan Dalka Jarmalka ayaa sii kordhisay muujinta awooddeeda ah in aanay weli dhadhamin guuldarro waxaana la waayay 49 kulan oo xiriir ah guud ahaan tartama cid dhinaceeda dhulka dhigta.
Leverkusen ayaa xalay xaqiijisay in ay gaartay ciyaarta kama dambaysta ah ee horyaalka labaad ee Qaaradda Yurub ee Europa League iyada oo kulanka kama dambaysta ah wajihi doonto Kooxda reer Talyaani ee Atalanta.
Naadiga sanadkaan mucjisada Jarmalka iyo Yurub ku noqday ee Bayer Leverkusen ayaa dhowr kulan is furatay waqti dambe waxa ay xitaa kasoo laabatay goolal ka badan labo, marar kala duwan oo la aaminay in laga badiyay ayay badisay ama barbaraysay.
Macallinka kooxdaan ee koobka Bundesliga-ha Jarmalka Gacanta u geliyay kana faramaroojiyay kooxdii caadaysatay in ay dhowr sano xiriir ah qaadato waa Xabi Alonso ayaa markaan qarka u saaran in uu koob Yurub ah ku guulaysto.
Xabi Alonso ayaa dhowaan niyadda u dhisay Ciyaartoyda, Maamulka & Taageerayaasha Kooxda Bayer Leverkusen kaddib markii uu ku dhawaaqay in uu sii joogayo xili ciyaaraadka dambe ee 2024-2025 halkaasina uu ku burburiyay welwelkii hayay dhinacyadaas.
Waxaa kahor go’aankaas jiray warar sheegaya in uu qabanayo mid kamid ah Kooxaha kubadda Cagta ee kala ah Bayern Munich oo Jarmalka ka dhisan iyo Liverpool oo Dalka Ingiriiska oo labaduba usoo ciyaaray waayihiisa kubadda.
Haddaba, Suuragal ma tahay in Kooxda Bayer Leverkusen ay ku guulaysato Koobka Europa League iyada oo wajahaysa kooxda taariikhda labada jeer ay kulmeen ka adkaatay ee Atalanta?