Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay weli xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Carney Chukwuemeka.
Madaxweynaha Joan Laporta iyo madaxa La Liga Javier Tebas ayaa labaduba dhawaan muujiyay in kooxda Catalan ay ku jirto xaalad dhaqaale oo aad uga caafimaad badan sidii ay ahaan jirtay xilliyadii dhawaa.
Taas ayaa la xaqiijiyay Jimcihii markii ay lacag 55 milyan kula soo wareegtay xiddiga Dani Olmo oo ay kala soo wareegtay RB Leipzig.
Sida laga soo xigtay Sport, Chukwuemeka ayaa noqday bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Barcelona.
Madaxda Barcelona ayaa la sheegay inay la dhacsan yihiin xiddiga waxana ay doonayaan in la soo saxiixdaan xiddiga.