Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Banaanbaxyo Qasa lagu taageerayo oo gilgilay jaamacadaha Maraykanka, Ilhaan Cumar gabadheeda oo ku jirta dadka la xiray

    Banaanbaxyo Qasa lagu taageerayo oo gilgilay jaamacadaha Maraykanka, Ilhaan Cumar gabadheeda oo ku jirta dadka la xiray

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 27, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Mudaaharaadyo loogu baaayo jaamacadaha inay qaaddacaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka xiriirka la leh Israa’iil xilligan uu dagaalku socdo ayaa ka dhacay xarumaha jaamacado ku yaalla Maraykanka.

    Xiisadd ayaa cirka isku sii shareereysay tan iyo marki 7 Oktoobar uu ururka Xamaas weerarka qaaday, kaasoo keenay in gudaha Israa’iil ay ku dhintaan 1,200 oo qof, keenayna in Israa’iil ay weerar dhulka ah ku qaaddo Qasa, kaasoo ay ku dhinteen 34,000 oo Falastiiniyiin ah.

    Mudaaharaadyadi ugu horreeyey ayaa lagu arkay Jaamacadda Columbia ee New York, ka dibna waxay ku faafeen meelo kale o dalka ka tirsan.

    Magaalada Austin ee gobolka Texas, barasaabka ayaa askarta gobolka ku amray inay xirxiraan dadka mudaaharaadayey. Ayadoo haddaba ay weli socdaan mudaaharaadyada ayaa waxaan idiin soo gudbinaynaa qaar ka mid ah meelaha ay ka dheceen.

     

    Jamaacadda Columbia

    Jaamacadda Columbia

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Jaamacaddan waa halkii ay mudaaharaadyadii ugu horreeyey ka billowdeen, waana meelihii ugu horreeyey ee lagu eedeeyey Yuhuud-nacayb.

    In ka badan 100 qof oo banaanbaxayey ayaa todobaadkii hore la xiray, ka dib markii guddoomiyaha jaamacadaha la isku yiraahdo Ivy league ii ka codsaday booliska inay baneeyaan meelaha banaanbaxyadu ay ka dhacayeen.

    Codsigeeda ayaa daba socday qiraal ay ka hor samaysay Koongareeska, kaaso ku saabsan jawaabta jaamacadda ay ka bixisay Yuhuud-nacayb la soo sheegay inuu kambaska jaamacadda ka dhacay.

    Laakinse xarig-wadareedka ayaa u muuqday inuu sii xoojiyey dhaqdhaqaaqyadii socday, sida laga soo xigtay dad mudaaharaadka sii waday muddo usbuuc ah.

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo gabadheeda lagu xiray jaamacadda Columbia ayaa BBC u sheegtay in dhaqdhaqaayada ku saabsan mudaaharaadyada ay ka billowdeen dhowr arday, ka dibna ay degdeg u faafeen, xarig-wadareedka dartiis.

    “Kani wuxuu ahaa dhaqdhaqaaq ka billowday 70 arday oo kaliya” ayey BBC ugu sheegtay jaamacadda Columbia Khamiistii.

    “Bacdamaa jaamacadda Columbia ay go’aansatay inay gacan bir ah ku qabato, ayna ku xad gudubtay xuquuqdooda qodobka 1aad ee dastuurka, wuxuu iminka ku baahan dalka oo dhan iyo caalamka” ayey sii raacisay.

    Jaamaacadaha ay rabshaduhu ka dheceen
     

    Jaamacadda Emory

    Magaalada Atlanta tobanaan qof oo banaanbaxayey, laakinse aan shqo ku lahayn jaamacadda Emory ayaa Khamiistii teendhooyin ka dhistay halkaas sida lagu sheegay qoraal ay jaamacaddu soo saartay.

    Maamulayaashu waxay sheegeen in koox dibadda ka timid ay ku soo biireen dadkii jaamacadda ka tirsanaa, marki ay diideen inay kala tagaanna booliska Emory ay tiro ka mid ah qabqabteen.

    Jaamacadda Southern California

    Go’aanka ay ku gaartay jaamacaddan inay joojiso khudbad ay jeedin lahaayeen ardayda lambarrada ugu sareeya wadata ay keentay caro.

    Xafladdaas waxaa la filayey inay soo jiidato 65,000 oo qof.

    Dhallinyaradaas oo lagu xushay heerka saree e ay gaareen iyo kaalintooda nolosha kambaska ayaa internetka soo dhigay qoraal meel kale laga soo qaaday (link), kaasoo aad u dhaliilayey Israa’iil, kaasoo horseeday eedeymo goor dambe soo baxay oo Yuhuud-nacayb ah.

    Jaamacaddu waxay sheegtay in joojinta xafladdaas ay timid ka dib khataro aan la cayimin oo ka dhan ah amniga kambaska, mana aysan cambaarayn qoraalka ay ardaydu soo dhigeen.

    Laakin go’aanka wuxuu ka caraysiiyey mudaaharaadyada u janjeeray iyo ka soo horjeeday Israa’iil. Mudaaharaadeyaasha Falastiiniyiinta la jiray waxay ku baaqeen in arday muslim ah uu khudbadda soo jeediyo.

    Arday la jiray Israa’iil ayaa ugu baaqay jaamacadda inay cambaareyso qoraalladeeda. Arbacadii ayaa booliska Los Angeles lo yeeray, ayago xiray 93 qof.

    Jaamacadda Texas

    Booliska ayaa xiray 57 qof habeennimadii Arbacada ku xiray jaamacadda Texas ee magaalada Austin.

    Askarta rabshadaha ka hor tagta ayaa la arkayey ayagoo mootooyin wata oo dib u riixaya dadkii banaanbaxayey.

    Barasaabka Texas Greg Abbott oo askarta u yeeray ayaa barta X ku qoray in banaanbaxyada ay yihiin kuwo Yuhuud-nacayb leh, wuxuuna ku baaqay in ardayda banaanbaxa la dhigay la eryo.

    Xubnaha dimoqaraadiga ee gobolka ayaa ku eedeeyey in xarig-wadareedka uu ula jeeday “ololayn”.

    Jaamacadaha kale ee banaanabaxyadu ka dheceen waxaa ka mid ah New York University, Harvard University, Emerson University, Yale University, George Washington University, Georgetown University iyo American University.

    Waa markii ugu horreysay ee dhaqdhaqaaq xoogaas leh uu ka dhex qarxo jaamacadaha ugu waaweyn Maraykanka.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.