Dalka Thailand ee dhaca Koofur bari ee Qaaradda Aasiya ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare waxaana Baarlamaanka Dalkaas uu u codeeyay in Haweeneyda lagu magacaabo Paetongtarn Shinawatra ay hoggaamiso xukuumadda cusub.
Haweeneydaan Ra’iisul Wasaaraha ka noqoneysa Thailand waa 37 jir waxaana ay sidaas ku gashay diiwaanka Qofkii ugu da’da yaraa ee xilkaan ka qabtay taariikhda Dalkaan, sidoo kale waa haweeneydii labaad ee isla xilkaan oo kale loo doorto.
Gabadhaan ayaa xilkaan ay qabatay waxaa horay usoo qabtay Aabaheed Thaksin Shinawatra, waxaana horyaalla wax ka qabashada caqabaddii ay ka tagtay Xukuumaddii ka horreysay oo madaxa ay isla galeen Maxkamadda Dastuuriga ah.
Reerka ay kasoo jeeddo Haweeneydaan ayaa 20kii sano lasoo dhaafay waxa ay Ra’iisul Wasaare Dalka Thailand ka noqdeen 4 jeer waa marka xisaabta lagu daro Haweeneydaan haatan la doortay balse weli aanay shaqada guda-galin.