Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka ayaa diiradda saaray Doorashada Dadweyne ee Dowladdu rajeyneyso in ay qabato.
Waxa uu Baarlamaanka ka codsaday in waqtigooda fasaxa ah bil kamid ah ay u ogolaadaan ansixinta shuruucda muhiimka u ah Doorashooyinka Dadweyne si meesha looga saaro Doorasada Dadban ee in muddo ah Dowladaha lagu soo dhisayay.
Doorasho Dadban waxa ay afqabataa garaadka Jiilalka soo koraya, Baarlamaanka waxa aan ka codsanayaa in fasaxiisa bil kamid ah u huro Doorashadaas, Walaalayaal Soomaaliya inta aqalkaan fadhiso ayay hiilo uga baahan tahay” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Intaas kaddib, Labada Gole Baarlamaanka JFS ayaa aqbalay codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee ah in muddo bil ah oo fasaxooda ah ay shaqeeyaan si ay u meelmariyaan shuruucda muhiimka u ah Doorashada Qof iyo Codka ah ee Dalka aadayo.
Kulanka oo ay fadhiyeen 193 Mudane oo isugu jiray labada Gole ee Baarlamaanka ayaa Buuq kaddib waxa la sameeyay codeyn iyada oo 181 Mudane ay ogolaatay codsiga Madaxweynaha, waxaa diiday 12 halka aanay jirin Xildhibaan ama senatar ka aamusay.