Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

    June 22, 2025

    DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

    June 22, 2025

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Deni oo bil kadib soo dhaweeyay Golaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

      June 15, 2025

      MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

      June 14, 2025

      RW Xamse oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad.

      June 14, 2025

      DEG DEG Ciidanka Puntland oo qabtay nin u dhashay Turkiga oo Daacish katirsanaa.

      June 14, 2025

      Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

      June 22, 2025

      DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

      June 22, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

      June 22, 2025

      DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

      June 22, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Baaris BBC-du sameysay oo daaha ka rogtay koox caalami ah oo ku hawlan xadgudubyo ka dhan ah daanyeerrada yicista ah

    Baaris BBC-du sameysay oo daaha ka rogtay koox caalami ah oo ku hawlan xadgudubyo ka dhan ah daanyeerrada yicista ah

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 8, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Haweeyney Ingiriis ah ayaa qiratay dambi ah in ay qayb ka ahayd koox caalami ah oo ku lug leh jirdil iyo xadgudubyo kale oo lagula kacay Daanyeerro yicis ah.

    Holly LeGresley oo ah 37 jir ka timid degmada Kidderminster ayaa qayb ka ah koox gaara oo internet-ka isticmaasha, kuwaas oo lacag ku siiya shakhsiyaad ku sugan dalka Indonesia dilka iyo xadgudubyada loo geysto Daanyeerrada yaryar.

    Eedeymahan ayaa imaanaya kaddib baaris ay muddo sanad ah sameynayeen koox ka tirsan BBC-da.

    Digniin-sheekadan waxa ku jira dhacdooyin murugo leh.

    Holly LeGresley
    Qoraalka sawirka,Holly LeGresley oo ka sii baxaysa maxkamadda Salaasadii

    LeGresley ayaa maxkamadda horteeda ka qiratay in ay dambi gashay, iyadoo ka jawaabaysa eedda ah in ay sababtay, isla markaana ay fududeysay jirdil iyo xadgudub lagula kacay Daanyeerro yaryar, iyadoo u sii maraysa Internet-ka.

    Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in LeGresley ay muujisay doonisteeda ku aadan in la dhibaateeyo makhluuqaadka jilicsan. Sidoo kale waxay necbayd haweenka uurka leh iyo caruurta.

     

    LeGresley waxay qayb ka ahayd koox kuwada xiriiri jirtay aaladda ‘’Telegram’’, iyadoo dajin jirtay qorshayaasha iyo maalgalinta kooxda ku lugta leh tacdiibinta Daanyeerada, waxayna ku qasbi jirtay kuwa kale in ay sawirro iyo muuqaallo ka soo qaadaan marka ay kula kacayaan xadgudubyada gudaha dalka Indonesia.

    Kooxdan ayaa afkaar is waydaarsigooda u adeegsan jiray muuqaallo lagu cadaabayo Daanyeerada, sida iyagoo dab la qabadsiiyay Daanyeerro nool, iyo iyagoo meel laga tuurayo.

    Markaa dabadeed, fikradihii oo ay lacag la socoto ayaa loo dirayaa kuwa muuqaalka sameeya ee ku sugan Indonesia, taasoo mararka qaarkood keenta dhimashada Daanyeero yaryar oo seyntoodu dheertahay, inta hawshu socoto.

    Waxay isticmaalayeen magac u gaara ah ‘’kuwa wax gawraca’’ LeGresley ayaa mar isha ku haysay sida kooxdan ay u cadaabayaan Daanyeer yar oo caana nuug ah.

    LeGrislie ayaa lagu wadaa in uu xukun ku dhaco 7 June ee soo socota.

    BBC Eye ayaa ogaatay arintan iyadoo qayb ka ah koox uu maamullo nin Maraykan ah oo loogu yeero Mike Macartney, kaas oo ahaa mishiidiyo hore xukun ugu dhacay, muddana xabsi ku qaatay, waxana loo yaqaanaa magaca ‘’Boqorka Tacadiyada’’.

    Mike Macartney

    XIGASHADA SAWIRKA,JOEL GUNTER/BBC

    Qoraalka sawirka,”Boqorka Jirdilka” Mike Macartney oo jooga gurigiisa Virginia

    LeGresley, oo xiligaas la nooleyd waalidkeed gobolka Midlands, waxay qayb ka ahayd kuwa ugu firfircoon ee qaybta ka ah kooxdan, wuxuna Mike Macartney u magacaabay isu duwaha kooxda.

    Badnaaba si gaara ayay fariimo ugu diri jirtay Macartney, oo bishan lagu helay dambiga ah xadgudubyada ka dhanka ah xayawaanka dalka Maraykanka, wuxuna wajahayaa xabsi shan sano ah.

    Kevin Lacks-Kelly, oo ah madaxa unuga qaran ee qaabishan dambiyada ka dhanka ah xayawaanka ayaa sheegay in LeGresley ay ka ciyaartay kaalin muuqata kooxdan tacadiyadda u gaysata xayawaanka.

    Waxa uu sheegay in ay ka weyneyd in ay ahayd kormeere oo kaliya, balse ay lacago u ururin jirtay, muuqaaladii hore si ay isu waydaarsadaan kooxda dhexdooda, iyadoo shabakadda ka ahayd admin, kuna soo dhaweyn jirtay dadka cusub.

    ‘’Waxan baarayay dambiyada la xiriirra xayawaanka 22 sano, aad ayay ii murug galineysaa inaan iraahdo, kani waa kiiskii ugu xumaa ee aan abid baaro ama aan arko,’’ ayuu yiri.

    Sarah Kite, oo wax ka aasaastay urur caawiya xayawaanka oo baaris ku sameysay kooxdan, ayaa sheegtay in LeGresley ‘’waxan shaki ku jirin in ay ku raaxeysaneysay muuqaalka ay daawneysay ee yicista Daanyeerada loo geysanayo fallalka argagaxa leh iyo xanuunka hayay xiliga ay naftooda la halgamayeen’’.

    ‘’Baaxadda inxiraafka iyo fasahaadka…… ee fududeynta fallalka bahalnimo, jirdilka iyo naf dhaafinta yicista yaryar ee Daanyeerada waxay ahayd xanuun, arin aan waligey horey u arkin,’’ ayay tiri.

    Adriana Orme
    Qoraalka sawirka,Booliska ayaa qabtay Adriana Orme Oktoobar 2022-kii

    Haweeyney kale, Adriana Orme, ayaa Iyana ka soo muuqatay maxkamadda magsitrates’ Salaasadii, iyadoo lala xiriirinayo shabakaddan.

    Islaantan 55 jirka ah ayaa loo tixgaliyay in aanay dambi galin marxaladdan la xiriirta eeddaha ka dhanka ah ee ah in ay sababtay waxyeeleynta xayawaanka.

    Orme waxa ay maxkamadda ka soo muuqan doontaa 5 June ee soo socota.

    Holly LeGresley

    XIGASHADA SAWIRKA,HELEN TIPPER

    Shabakadda Caalamiga ah

    Ugu yaraan 20 qof ayaa la dul dhigay baaritaan dunida oo dhan sanad kii la soo dhaafay, taas oo dabo joogtay baarista BBC-da.

    Sedex kamid ah horey ayaa xukun ugu dhacay dalka Maraykanka, waxana ku jiray hoggaamiyaha kooxda, Macartney.

    David Christopher Noble, oo ah 48 jir horey uga tirsanaa ciidamada cirka Maraykanka ayay maxakamad ciidan ku riday xukun, waxana laga saaray milatariga. Nicole Devilbiss ayaa isna wajahay dacwad lamid ah tan Macartney, waxayna labadooduba wajahayaan xabsi shan sano ah.

    BBC-da ayaa kashiftay labo hoggaamiye oo kale oo qayb ka ah shabakadda xadgudubyada kula kacda Daanyeerada – Stacey Storey, waa ayeeyo da’da afartanaadka ku jirta oo ka timid gobolka Alabama iyo nin loo yaqaano ‘’Mr Ape’’, oo aanan sheegi Karin magaciisa dhabta ah sababbo la xiriirra bad qabkiisa.

    Labadoodaba waxa la filayaa in ay wajahaan dacwado la xiriirra kaalintooda kooxahan.

    Asep Yadi Nurul Xikmah
    Qoraalka sawirka,Booliska Indonesia ayaa xiray Asep Yadi Nurul Xikmah

    Booliska Indonesia ayaa sidoo kale xiray labo tuhmane oo ku eedeysan jirdilka iyo tacdiibinta Daanyeerada.

    Asep Yadi Nurul Xikmah ayaa lagu soo oogay jirdilka xayawaanka, waxana lagu xukumay sedex sano oo xabsi ah.

    M Ajis Rasjana ayaa isna lagu xukumay sideed bilood – oo ah xabsiga ugu badan ee u yaala ku xadgudubka xayawaanka.

    BBC SOMALI XIGASGO

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

    June 22, 2025

    DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

    June 22, 2025

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

    June 22, 2025

    DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

    June 22, 2025

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.