24/11/2024
Mugadishu.
Baaq Nabadeed oo Ku Wajahan Colaadda Hirshabelle State
Xafiiska Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Maamul-Goboleedyada.
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Anagoo ka duuleyna mas’uuliyadda naga saaran ilaalinta midnimada, nabadda, iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Hirshabelle State, waxaan halkan ka soo jeedinaynaa baaq nabadeed oo ku saleysan wada-hadal, is-faham, iyo dib-u-heshiisiin waarta.
1. Codsi Ku Wajahan Dhammaan Dhinacyada Colaadda Ku Lugta Leh:
Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lug leh colaadda inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin lagu badbaadinayo nolosha dadka rayidka ah. Dagaalka maaha xalka; wada-hadalku waa dariiqa ugu wanaagsan ee lagu xallin karo khilaafaadka.
2. Isku-Dubarid Wada-Hadal Nabadeed:
Waxaan ku boorinaynaa madaxda dhaqanka, culimada, iyo odayaasha bulshada in ay hormuud ka noqdaan dib-u-heshiisiin dhab ah. Xukuumadda dhexe iyo Hirshabelle State waa in ay si wadajir ah u abuuraan guddi isku dhaf ah oo ka shaqeynaya wada-hadal nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda.
3. Xoojinta Hay’adaha Dowliga ah:
Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay taageeraan dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha maamulka, si loo hubiyo in maamulka Hirshabelle uu noqdo mid loo wada dhan yahay, caddaalad ku dhisan, una adeegaya dhammaan bulshooyinka degaanka.
4. Xalinta Cabashooyinka Siyaasadeed iyo Bulshada:
Cabashooyinka ku saabsan cadaaladda, maamul-wanaagga, iyo qeybsiga khayraadka waa in si furan looga wada hadlo, iyadoo la adeegsanayo hab sharci ah oo dhexdhexaad ah.
5. Farriin Ku Wajahan Shacabka Hirshabelle:
Shacabka ku nool Hirshabelle waxaan ugu baaqeynaa in ay ilaashadaan midnimadooda, kana fogaadaan falalka sii hurinaya colaadda. Bulsho nabadeed waa tan ku dhisan wada noolaansho, is-qaddarin, iyo iskaashi.
6. Taageero iyo Kaalmo Degdeg ah:
Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka, ganacsatada, iyo bulshada rayidka ah in ay kaalmo degdeg ah siiyaan dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay colaadda, si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay.
Gunaanad:
Haddaba, waxaan ku adkeyneynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda, isla markaana la abuuro jawi ay bulshada Hirshabelle ku heli karto horumar iyo xasillooni waarta. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay fududeyso wada-hadal kasta oo nabadeed iyo inay taageerto xal waara oo colaadda lagu soo afjaro.
Waa mas’uuliyad saaran dhammaanteen inaan u istaagno sidii aan u badbaadin lahayn nafta iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Mahadsanidiin,
Mudane,Maxamed Xasan Ibrahim(Qoono).
Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Maamul-Goboleedyada.