Madaxweyne Guudlaawe
Madaxweynaha Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar waxana garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay Duqa magaalada, xubno ka kala tirsan labada Gole ee Wasiirrada iyo Baarlamaanka, Saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha bulshada.
Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay arrimo shaqo u joogay magaalada Muqdisho waxana uu ka qeyb galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay qaar ka mid ah Danjirayaasha dalalka Caalamka u joogo Soomaaliya.