Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, sidoo kalena guddoomiyaha ururka Hilaac ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland, isaga oo dhaliil xoogan hoggaanka maamulkaasi.
Samatar oo hadalkan ka sheegay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in laga gaabiyay ictiraafka Somaliland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan la sameyn dadaalkii loo baahnaa, maddo hadda laga joogo 33 sano.
“Aqoonsi Somaliland usoo socdaa ma jiro, sabab? Waayo maynaan kasban dee, hawsheedii maynaan galin, waa ciyaar ciyaar sheekadii aynu haynay 33kii sannadood, car soo sheeg meel Somaliland qadiyadeedu ku qorantahay oo ay cilmiyaysan tahay, waxaynu nahay” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.Prof. Samatar ayaa horay u sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo doodo cilmiyaysan oo ka turjumaysa rabitaanka Somaliland, si loogu qanciyo adduunka
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).
“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.