Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Axmed Guure: Aasaasihii Hiiraan Online iyo duuliyihii gacanta ku hayey barta Internetka ee Somali Airline ee geeridu haleeshay

    Axmed Guure: Aasaasihii Hiiraan Online iyo duuliyihii gacanta ku hayey barta Internetka ee Somali Airline ee geeridu haleeshay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 29, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa magaalada Otowo dalka Kanada ku geeriyooday Axmed Xaaji Cilmi Guure, oo ka mid ahaa bahdiii duulimaaadka Soomaaliya xilligii dowladdii dhexe sidoo kelana door weyn ku lahaa aasaaaskii warbaahinta qoraalka ee Soomaaliya ka dib burburkii dalka.

    Axmed Guure, waxaa uu ka mid ahaa duuliyaashii diyaaradihii Soomaali Airlines muddo dheerna waxaa uu ka mid ahaa raggii duulinayey diyaaradahaas.

    Markii dalka burburay Axmed, waxaa uu aaasaasay website-ka qoraalka ah ee Hiiraan Online oo uu maamule iyo mulkiile ka ahaa,taas oo door weyn ku lahayd kobaca saxaafada Soomaalida.

    Kabtan Ibraahiim Abiikar Nuur, waxay muddo dheer saaxiib iyo shaqo wadaag ahayeen Guure, wuxuu ku tilmaamay geeridiisa mid si weyn looga naxay.

    “Waxaa dhacday geeri naxdin leh,waxaan aqaannay muddo konton sano ka badan, wuxuu ahaa nin saciim ah”ayuu yiri Kabtan Ibraahim.

    Dadka yaqaanay waxay sidoo kale ku tilmaameen inuu ahaa shaqsi dhibrin badan oo taageerada dadka nugul.

    “Wuxuu ahaa qof si weyn ugu gargaaara dadka saboolka ah ee taagta darran”ayuu yiri BBC-da u sheegay Kabtan Ibraahim.

     

    Doorkiisii Duulimaadka Somali Airline

    duuliye Guure

    Xigashada Sawirka,Hiiraan Online

    Axmed Xasan Guure, wuxuu ka mid ahaa siddeed iyo tobban arday ah oo xlligii dowladdii dhexe ka jirtay dalka loo qaatay inay bartaan duuliyanimo ka dib tartan dheer oo intixaano ahaa sida uu BBC-dau sheegay Kabtan Ibraahim Abiikar oo isla waqti la qoray.

    “Annagoo dhalinyaro badan ah ayaa na loo qaatay inaan barano duuliyanimo, waxaan tagnay Jarmal, waxay ahayd deeq waxbarasho, waxaa bixinaysay shirkada Luftansa, qaybta Casharada waxaan ku qadanay dalka Jarmalka halka markii danbana qaybta barashada wadida diyaarada aan ku soo qaadanay Arizona dalka Maraykanka, markii shahaadada an qaadanayeyna waxaan ku laabanay Soomaaliya” ayuu yiri Kabtan Ibraahim.

    Markii isaga iyo saaxiibadiis ay ku soo laabteen Soomaaliya, waxay ka mid noqdeen duuliyaashii diyaaradii Somali Airline, sanadkii 1982-dii

    Guure

    Xigashada Sawirka,Hiiraan Online

    Qoraalka sawirka,Kabtan Ibraahim Abiikar (midig) iyo Kabtan marxuun Axmed Xaaji Cilmi Guure, labaduba ka mid ahaa duulliyaashii Somali Airlines

    “Waxaan ku duuli jirnay Fokor F27,oo Somali Airline lahayd iyo markii danbe oo ku duuli jiray Dornier 228,oo Jarmalka ay keeneen oo uu isagu kabtan ka ahaa” ayuu intaas raaciyey Kabtan Ibraahim.

    Wuxuu sidoo kale ahaa marxuunku qofkii maamulayey bartii Internetka ee Somali Airline oo ilaa hadda uu gacanta ku hayey sida uu BBCda u sheegay Kabtan Ibraahim Abiikar.

    Axmed Guure, wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha Somali Airline ilaa intii dalku galay xaaladdii burburka ahayd.

    Asaaskiisii website-ka Hiiraan Online

    geerida Guure

    Xigashada Sawirka,Baraha Bulshada

    Axmed Xaaji Cilmi Guure, waxuu hormuud u ahaa shaqsiyaadkii ku fekeray in la asaaso warbaahin xilli warbaahintii dowladda ay meesha ka baxday ayna yarayd warbaahin Soomali leedahay oo laga helo xogta dalka.

    Sanadkii 1999-kii waxyar ka dib burburka dalka oo ay bilowdeen dagaalada Sokeeye Axmed Guure, wuxuu asaasay warsidaha qoraalka ee Hiiraan Online.

    Hiiraan Online, ayaa ka mid ah warbaahinta ilaa hadda sida weyn Soomaalidu ugu xiran tahay.

    Salaad Iidow Xasan Xiis oo muddo 15 sanaa ka howlgalyey websiteka Hiiraan Online ayaa BBC-da u sheegay in mareegtaasi ahayd tii ugu horreysay ee la hirgaliyo.

    Wuxuu sheegay Xiis, in Guure, u sheegay in sababta ugu weyn ee uu u asaasay Mareegtaas ay ahayd inay noqoto xarig isku xira Soomaalidii qurbaha aaday iyo kuwii dalkii joogay ayna helaan xog ku saabsan dalka.

    “Waa qabaa inay hadafkaas buuxisay, waliba waxay Soomaalida dhexdheeda ku yeelatay aaminaad badan, xitaa waxaa kale oo ku xirnaa warbaahinta kale ee shisheeye iyo haya’addaha Caalamigaa oo xogta ka qaadan jiray” ayuu jira Salaad Xiis.

    Waa kuma Axmed Guure?

    Alaha u raxmeee Axmed Xaji Cilmi Guure, waxaa uu ku dhashay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo yaraantiisii ku soo barbaraay isla magaaladaas oo waxbarashadiisa dugsiga hoose dhexe uu ku soo qaatay.

    Dugsiga sare waxaa uu ku qaatay magaalada Jowhar iskoolkii la oran jiray Mishinkii Maraykanka halkaas oo ilaa fasalka 3-aad ee dugsiga sare ku qaatay markii danbe uu u wareegay magaalada Muqdisho oo dugsigii sare ee Banaadir uu waxbarashadiisa sare ku dhamaysta uuna galay Xalane sida uu BBC-da u sheegay Kabtan Ibraahim Abiikar oo isku arday ahaayeen.

    Markii burburku dhacay Allaha u raxmadee Axmed Guure, wuxuu ka mid ahaa dadkii u qaxay dibada isagoo deganaansho ka helay dalka Kanada bilowgii sagaashameyadii .

    Kabtan Axmed Guure, wuxuu uu ifka uga tagay xaas, todoba caruur ah iyo saddex ay sii dhaleen sida ay daabacday Hiiraan Online.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.