haqdhaqaaqyadda ardaydu hogaaminayso waxa ay muddo dheer ahaayeen kuwo horseed u noqda isbeddello siyaasadeed iyo kuwo bulsho oo adduunka daafahiisa ka dhaca.
Laga soo bilaabo kali taliyeyaal xukunka laga riday iyo kuwo lagu qasbay dib u habayn siyaasadeed, tamarta iyo ka go’naanshaha dhalinyaradu waxay marar badan sabab u noqotay oo door laxaad leh markasta ka qaadanaysay qaabaynta mustaqbalka ummaddo kala duwan.
Qormaddan waxay soo koobaysaa mudaaharaadyo ay ardaydu hormuud ka ahaayeen oo bog caan ah kaga qormay taariikhda adduunka, oo ay ku jiraan mudaaharaadyadii dhawaan ay kiciyeen ardayda Bangladesh, taas oo sabab u noqotay in Ra’iisal wasaarihii wadankaas maalin cad dalka iskaga cararto.
Mudahaaraadyadda Ardaydu hoggaamisay ee Taariikhiga ah
Dhaqdhaqaaqii afarta May (Shiinaha, 1919)
Dhaqdhaqaaqa afarta May wuxuu ahaa mudaaharaad ay ardayda shiinuhu hogaaminayeen oo looga soo horjeeday heshiiskii Versailles oo ay ku tilmaameen inuu yahay jawaab daciif ku ah duulaankii dawladda Japan ay ku soo qaadday dhulka Shiinaha.
Dhaqdhaqaaqan ayaa lagu tiriyaa in uu kobciyay dareenka wadaninimo ee dhallinyarta iyo in uu seeska u dhigay in Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha uu ku soo baxo talada dalka, kaasoo 100 sanno kadib weli haya talada dalka.
Mudaaharaadyadii Caalamiga ahaa ee 1968kii
Sannadkii 1968dii wuxuu martigaliyay mowjad mudaaharaadyo ah oo ay arday ka hogaaminayeen adduunka oo dhan, kuwaas oo ka dhacay Maraykanka, Faransiiska, Mexico, iyo Czechoslovakia.
Mudaharaadyadan waxaa riixayay rabitaan lagu doonayo xuquuqda madaniga ah, xorriyad siyaasadeed, iyo soo afjarida Dagaalkii Vietnam.
Dalka Faransiiska, mudaaharaadyadani waxay ku dhawaadeen inay taladda ka ridaan dawladdii Madaxweyne Charles de Gaulle, iyagoo dhamaadkii horseeday isbedel bulsho iyo mid siyaasadeed.
Kacdoonkii Soweto (Koonfur Afrika, 1976)
Kacdoonka Soweto ayaa ahaa mudaaharaadyo isdaba joog ah oo ay hormuud ka ahaayeen ardayda madowga ah ee wax ka barta dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan in dadka madow lagu soo rogo cunqabteyn waxbarasho.
Cabudhin kaga timi taliskii Midab-takoorka ayay ku heleen taageero caalami ah, taas oo sii xoojisay mudaharaadkoodii, aakhirkiina qayb ka noqotay burburka taliskii Midab-takoorka Koonfur Afrika.
Mudaharaadyadii fagaaraha Tiananmen (Shiinaha, 1989)
In kasta oo dawladda Shiinuhu ay si ba’an u cabudhisay mudaaharaadyadii fagaaraha Tiananmen, haddana dhaqdhaqaaqan oo ay ardaydu hoggaaminayeen ayaa ahaa mid lagu raadinayay dib-u-habayn siyaasadeed iyo xorriyad balaaran.
Sawirada mudaaharaadkan laga qaaday oo uu ugu caansan yahay sawirkii ninka ka hortagay taangiga dagaal isagoo fara-maran ayaa dunida u muujiyay caburinta kali-talisnimada dowladda Shiinaha, wuxuuna mudaharaadkaas saameyn joogta ah ku reebay siyaasadda Shiinahu kula macaamilo adduunka.
Kacdoonkii Gu’ga Carabta
Kacdoonkii Gu’ga Carabta, oo billowday dabayaaqadii 2010, ayaa ahaa mid ardaydu kaalin muhiim ah ka qaatay bannaanbaxyadii kiciyay. Dhallinyarada, gaar ahaan ardayda jaamacadaha, ayaa hogaanka u hayay abaabulka iyo hoggaaminta mudaaharaadyo ka dhacay dalalka Carabta.
- Tuniisiya
Is-gubitaankii Mohamed Bouazizi, oo ahaa nin da’yar oo ku ganacsan jiray waddooyinka Tuniisiya, ayaa waxa uu dhaliyay mudaaharaadyo dalka oo dhan ah kuwaas oo si degdeg ah ugu fiday dalalka kale ee Carabta. Ardayda Tuniisiya ayaa ahaa dadkii ugu horeeyay ee isugu soo baxay waddooyinka, iyaga oo dalbanayay in la soo afjaro musuqmaasuqa, shaqo la’aanta, iyo caburinta siyaasadeed. Mudaaharaadyadooda ayaa horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii dalkaas Zine El Abidine Ben Ali, taasoo noqotay bilowgii kacdoonka Carabta.
- Masar
Ardayda dalka Masar ayaa iyaguna kiciyay mudaharaadyadii sababay iscasilaadii Madaxweyne Xusni Mubaarak. Fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira ayaa noqday xudunta kacdoonka gu’gii carabta oo ah halkii ay iskugu soo baxayeen ardeyda iyo dhalinyarada mudaharaadyada hogaaminayay.
Xilliyada Dhaqdhaqaaqyadu horseedaan xasillooni darro
“Inkasta oo dhaqdhaqaaqa iyo mudaharaadyada dhalinyarada iyo ardaydu hogaamiyaan ay taariikhda horey u sababeen isbedello muuqda oo wanaagsan aduunka oo dhan, haddana waxaa muhiim ah in la ogaado in aysan mar walba keenin natiijooyin wax ku ool ah.
Kacdoonkii Gu’gii Carabta, oo waaberigii ku bilowday yididiilo iyo dareen farxadeed, aakhirkii wuxuu isu beddelay waxa aan ku tilmaamay ‘Jahannamo Carbeed,’ oo keentay colaad daba-dheeraatay, xasillooni-darro siyaasadeed, iyo dhibaatooyin bani’aadminimo oo ku dhawaad dhammaan waddammadii kacdoonka qaybta ka ahaa saamaysay,” Dr. Aadam Aw Xirsi, oo ah Agaasimaha hay’ad siyaasadeed lagu magacaabo Foresight for Practical Solution, ayaa sidaas u sheegay BBC da.
- Liibiya
Dalka Liibiya, mudaharaadyo ay ardaydu hormuud ka ahaayeen oo lagaga soo horjeeday maamulka Mucamar Al-Qadaafi ayaa isu rogay dagaal sokeeye oo baaxad leh.
Faragelinta ciidamada NATO ayaa keentay in xukunka laga tuuro Qadaafi, sidaasna dalkaasi uu ku galo xaalad fowdo ah, iyadoo kooxaha ku loolamaya talada ay xoog iyo rabshado u adeegsadeen si ay rabitaankooda u meel mariyaan.
- Suuriya
Ardayda Suuriyaanka ah ayaa ahaa dadkii ugu horeeyay ee mudaaharaad kala hortagay nidaamka madaxweyne Bashaar Al-Asad.
Wax ku bilowday mudaaharaad nabadeed ayaa markiiba isku bedelay dagaal sokeeye, oo sababay dhimashada boqolaal kun oo qof iyo malaayiin qaxooti ah.
Colaadan ayaa dalka ka dhigtay mid burbursan, oo aan ilaa hadda cidna ogeyn halka uu ku dambeyn doono.
Mudaaharaadayaasha Ardayda Bangladesh
Saamaynta mudaaharaadyada ardayda ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyey dhawaan markii ra’iisul wasaarihii Bangladesh, Sheikh Hasina ay is casishay toddobaadyo ay socdeen mudaaharaadyo ay dad badan ku dhinteen oo dowladda looga soo horjeeday, taasoo soo afjartay in ka badan labaatan sano oo ay xukunka haysay.
Mudaaharaadyada oo markii hore looga soo horjeeday nidaamka qoondaynta shaqooyinka dowladda, ayaa isku rogay isku dhacyo rabshado wata iyo weerarro lagu qaaday xarumaha dowladda iyo hoyga ra’iisul wasaaraha.
Awoodda sababtay is-casilaaddii Hasina iyo xasillooni-darrada siyaasadeed ee ka dhalatay ayaa muujinaysa sida aanan loo hor istaagi karin saadaalin la’aanta dhaqdhaqaaqyada ay dhallinyaradu hoggaaminayso.
Taariikhda mudaharaadyada ardaydu waxay markhaati u tahay awoodda wax-qabad-wadareed ee dhallinyaradu leedahay.
Laga soo bilaabo kacdoonadii taariikhiga ahaa ilaa mudaaharaadyadii Bangladesh ee dhawaa, ardaydu waxay muujiyeen in ay saamayn ku yeelan karaan talada dalka oo ay sababi karaan isbedel macno leh.
Si lamid ah taas, waxay sidoo kale keeni karaan cawaaqib aanan laga soo kaban, oo ilaa hadda laga sii arki karo mirihii kacdoonkii gu’ga carabta.
Doorka ardaydu ku leeyihiin qaabaynta mustaqbalka lama dhayalsan karo, inta ummad kasta la halgamayso caqabado siyaasadeed iyo kuwa bulsho.