Author: Liban Qoono

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ka qaaday xasaanadii madaxweyne hore, waxaana lagu dacweyn karaa eedeymo la xiriira inuu qorsheynayay inuu meesha ka saaro doorashadii Mareykanka ee 2020. Trump ayaa ku andacoodey in kiis sharciyeed taariikhi ah uu ka badbaadi karo eedeymaha dambiyada ah ee lagu soo oogay, isagoo soo bandhigay falal uu sheegay in ay ku dhaceen shaqadiisa madaxweynenimo. Hasayeeshee xukunka maanta ka soo baxay maxkamadda Washington DC ayaa meesha ka saaray sheegashada iyo doodaha Donald Trump. Go’aanka maxkamadeed ee maanta soo baxay wuxuu dib u dhac ku yahay Trump oo sanado badan…

Read More

Howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ka wadaan deegaano ka tirsan maamulka HirShabeelle. Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Faarax Waasige Kooshin oo ka warbixiyay howl-gallada socda, ayaa waxa uu sheegay in howl-gallo ka dhacay gobolka Hiiraan kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay waxyeelo kala duwan. Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galladii ugu dambeeyay oo isgu jira cirka iyo dhulka ay ka fuliyeen deegaano badan oo hoostaga Aadan Yabaal, Ceel Cali Axmed, Buq-aqable, Buur weyn, Shaw illaa Mokayle. Howl-galladaasi ayuu sheegay in dagaal-yahaanada kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, kuwaasi ii…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale caawa si adag uga hadlay xadgudubka Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, isagoo sheegay wax wadahal aysan Soomaaliya la geli doonin ilaa ay Itoobiya ka laabato heshiis beenaadkii uu Muuse Biixi u saxiixay. “Itoobiya waxaan leenahay damaca kaaga jira inaad dhulkeena dhacdo ka imow, markaas ayaan wadahadli karnaa, laakiin madaxa ayaan qori kaaga qabanaa ee markaas kadib ila hadal, suurtagal ma noqoneyso, mana yeeleyso Soomaaliya,” ayuu yiri. Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Faraqa ayaan ku heysanaa iyo faraqa ii daa intaan ku jirno heshiis kama dhalanayo dhexdeena, dadka shacabka ah ee…

Read More

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo horraantii sanadkaan dib loogu doortay madaxtinimada Puntland, ayaa durba bilaabaya u diyaar-garowga doorashada Soomaaliya ee sanadka 2026-ka. Saciid Deni iyo xukuumadiisa ayaa gelaysa laba sano oo dhaqaale urursi ah, si loolan adag ugu galaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ka agdhaw Madaxtooyada. Xogta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in Madaxweyne Deni mar kale u sharraxan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo uu laba jeer oo hore ku guul-daraystay, ayada oo la rumaysan yahay in uu dhaqaale xooggan ku bixiyay. Doorashadii hore ee Soomaaliya iyo doorashadii maamulka ee Janaayo ee mar kale dib loogu…

Read More

Munaasabad lagu abaalmarinayey oo koobka ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir lagu guddoonsiiyey xulka kubadda cagta ee Galmudug ayaa caawa lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad Koobka tartankii ciyaaraha D. Goboleedyada iyo Gobolka Benaadir lagu guddoonsiiyay xulka Kubadda cagta Dowlad-goboleedka Galmudug oo ku guuleystay Tartankaas ayaa billado guddoonsiiyay Maamullada, Macallimiinta iyo Xiddigaha xulalka Galmudug oo kaalinta koowaad galay iyo Hir-shabeelle oo kaalinta labaad ku guuleystay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa koobka guddoonsiiyey xulka Galmudug, abaal-marinta labada xul kadibna wuxuu Madaxweynuhu halkaas…

Read More

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta la kulmay ku-xigeenka madaxweynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi. Marwo Mamta oo maanta dalka soo gaartay ayaa waxay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ka wada-hadleen qorsheyaasha istaraatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka bulshada. Sidoo kale waxay diirada saaren sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa la wadaagay wafdiga Bangiga Adduunka muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta…

Read More

Waxaa baraha internetka ee Soomaalida qabsaday wararka iyo dooda la xiriirta ragga Soomaalida ah ee u safraya dalka Moroccoo si ay u guursadaan gabadho dalkaas u dhashay. Soomaalida iyo guursiga ajnebiga mudadii dambe aad buu u kordhayay rag iyo dumar laakiin ragga Soomaalida ah ee guurka u aadaya Moroccoo waxay ku sababeeyeen in guurka gabdhaha dalkaas, oo Muslim ah, ka jaban yahay kan dumarka Soomaalida. Ma ahan Soomaalida oo keliya, laakiin rag kala duwan oo ajaanib ah ayaa guur u aadaya dalkaas. Laakiin ragga Soomaalida ah ee muuqalada iska-duubay iyaga oo Morocco safar u ah oo sheegaya inay halkaas guur…

Read More

Waxa lagu maagay Ilhaan xilli ay isu-diyaarineyso doorasho Ilhaan Cumar oo ay kusoo wajahan tahay doorasho hor leh oo bishan ba olelaheedu bilaabanayo ayaa laga raacay khudbad ay Af Soomaaliga uga jeedisay xaflad Minnesota loogu dhigay dib-u-doorashada madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni, oo noqday kii ugu horreeyay ee xilka madaxweynenimada oo uu ku fadhiyo dib loogu doorto. Ilhaan ayaa xafladaas ka dhaleeceysay heshiiska Addis Ababa iyo Hargeysa ee badda iyo saldhig Ciidan, kaas oo madaxweyne Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida uu ku sheegay inay ku bedelanayaan aqoonsi rasmi ah oo ay ka helaan taas – riyo iyo yididiillo ay soddon…

Read More

Sida ay baahiyeen booliska Soomaaliya, Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu dhawaan xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho ayaa gacanta waxaa lagu soo dhigay isagoo dhuumaaleysanaya. Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadaq Doodishe oo BBC la hadlay ayaa yiri “Sayid Cali ayaa cadaaladda ka baxsaday oo ehelkiisa dad ka mid ah ay u fududeeyeen in uu cadaaladda ka baxsado. Hogaanka baarista dambiyadda ee CID iyo ciidanka booliska Soomaaliyeed oo in dhawaale isha ku hayay oo ku howlanaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysanahaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Cadaadley ayay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan”. Taliyaha ayaa…

Read More

Bushra Karboubi, oo ah gabar booliis ah oo daacad ah isla markaana ah garsoore heer caalami ah oo kubbadda cagta ah kana soo jeeda Meknes, waqooyiga Morocco, waxay jebinaysaa fikradaha laga aaminsan yahay dumarka ee la xiriira waxyaabaha ay qaban karaan, iyadoo taariikh ku samaynayso labada xirfadood ee ay raggu u badan yihiin. Doorkeeda gaarka ah ee fulinta sharciga iyo hawlgelinta ciyaaraha waxay soo bandhigaysaa go’aankeeda, rabitaankeeda, iyo sida ay uga go’an tahay inay heer sare ka gaarto xirfadahaas. Adduunka kubadda cagta, Karboubi waxay u taagan tahay garsooraha kaliya ee dumarka ah ee ka mid aheyd garsoorayaasha haweenka ee Koobka…

Read More