Author: Liban Qoono

War Cusub : Waxaa Gabi ahaan istaagtay shaqadii Isbitaalka Guud ee ee magaalada Gaalkacyo, kaddib markii halkaasi la geeyay maydka Marxuumad Hodan Maxamuud Diiriye, oo saakay lagu fuliyay xukun qisaas ah. Isbitaalka ayaa waxaa si weyn u buux-dhaafiyay haween tiro badan, kuwaas oo dalbanayay in la tuso maydka marxuumadda si ay ugu qancaan, iyagoo muujiyay shaki ku aaddan in qofka la dilay aanu ahayn xukumane Hodan Maxamuud Diiriye. Ciidamo amni ayaa ku sugan gudaha iyo bannaanka isbitaalka, kuwaas oo adkeeyay amniga isla markaana xannibay in si caadi ah gudaha isbitaalka loo galo, si loo ilaaliyo maydka loona xakameeyo xaaladda amni.…

Read More

Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in Golaha la fasaxay kadib buuq iyo sawaxan maalmahaan hareeyay Fadhiyadii Golaha oo lagu waday in la horkeeno wax ka bedelka qodobo ka ka mid ah Dastuurka Qabyo qoraalka ah. Xildhibaanada kasoo kala jeeda Puntland iyo Jubaland ayaa ku dooday in mudo dheeraad ah aan lagu dari karin Kala-fadhi si dastuuri ah u xirmaya.

Read More

Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga, wefdigiisa ay ka mid ahaayeen Raiisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada Gole dowladda federaalka. Xubno ka mid ahaa wefdiga ayaa xaqiijiyay in madaxda gobolka ee ka soo qeyb gashay munaasabadda xarigjarka Shabelley ay halkaas ka muujiyeen midnimada Soomaaliya iyo madaxbannaanida dalka, isla markaana ay caddeeyeen in aan marnaba la aqbali doonin fara gelin kaste. Safarkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo isku xirnaanta maamulada dalka iyo wadajirka siyaasadeed, xilli ay gobolka ka taagan yihiin arrimo siyaasadeed oo…

Read More

Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia? Dowlada Somaliya ayaa beenisay in ay xayiraad saartay Shirkada Diyaaradaha Arkia ee laga leeyahay isra1l. Laakiin waxaa jira hal qodob oo laga dhadhansaday hadalka DFS, Waxay Somaliya Sheegtay in aysan Xanibin Shirkada hadana ma aysan dafirin in aysan ilaa hadda u cusboonaysiin ruqsada isticmaalka Hawada Soomaaliya. Shirkada Arkia kama aysan caban in uu soo baxay go,aan rasmi ah oo ku aadan diidmada hawada Somaliya laakiin waxay Carab baabtay in aan wali loo cusboonaysiin ruqsada isticmaalka Hawada Soomaaliya. DFS se waxay ku jawaabtay uma aanan diidin in…

Read More

𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ² Saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa ku wargeliyay hoggaanka dal xulafo muhiim ah la ah oo ay ku leeyihiin Bariga Dhexe in Madaxweyne Donald Trump uu oggolaan karo weerar ballaaran oo lagu qaado dalka Iiraan, kaas oo dhici kara ugu horreyn maalinta Axadda. Sida ay sheegeen ilo wareedyo kala duwan oo la hadlay Drop Site News, weerarkan ma aha mid ku kooban oo keliya burburinta barnaamijka nukliyeerka ama gantaallada Iiraan, balse ujeeddada rasmiga ah waa in isbeddel lagu sameeyo nidaamka ka jira dalkaas (Regime Change). Saraakiisha dagaalka ee Maraykanka ayaa…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in horumarka laga hirgeliyey Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) uu yahay mid taariikhi ah oo aan ku koobnayn oo keliya Soomaalida Itoobiya, balse uu yahay guul ay si wadajir ah ugu faani karaan Soomaalida Kenya, Soomaalida Muqdisho iyo Soomaalida Jabuuti. Abiy Axmed ayaa tilmaamay in isbeddellada ka socda DDS ay ka tarjumayaan horumar muuqda oo dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, maamul-wanaagga iyo is-dhexgalka bulsho ah, kuwaas oo horseeday in deegaanku noqdo astaan horumar iyo xasillooni oo cusub.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga ayaa halkaas kulammo kula qaatay Ra’iisul Wasaare Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jigjiga waxa uu ka qeyb galayaa xarig-jarka Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka…

Read More

Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah Dowladda itoobiya, iyadoo dalka laga ceyriyay safiirkii Itoobiya u fadhiyay magaalada Muqdisho. Go’aanka maanta kasoo baxay kulankii Golaha Wasiirada ayaa lagu amray safiirka dowladda Itoobiya ee Somaliya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka isaga baxo, iyadoo loo celinayo dalkiisa, waxayna Soomaaliya u yeeratay safiirkii ka joogay magaalada Addis ababa. Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in la xiray Qunsuliyaddii Itoobiya ku lahayd Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland. Arrintan ayaa imaneysa iyadoo uu hore u taagnaa khilaafka heshiiskii ay dowladda Itoobiya la…

Read More

DEG DEG:- Sanbaloolshe oo loo magacaabay Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka . Muqdisho, 04 Abriil 2024:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii…

Read More