Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Liban Qoono
Sucuudiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis iskaashi Milatari. Dowladdaha Sucuudi Carabiya iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu kala saxiixday magaalada Riyaad heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding β MoU) oo ku saabsan iskaashiga dhinaca gaashaandhigga iyo milatariga. Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga amniga, tababarrada ciidanka, iyo wada shaqeynta difaac, si loo taageero xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas. Is-afgaradkan ayaa ka dambeeyay kaddib wadahadallo dhowr ah oo ay yeesheen madaxda amniga iyo difaaca ee labada dal, wuxuuna qeyb ka yahay istaraatiijiyadda Soomaaliya…
Boqortooyada Sucuudi Carabiya Oo Soo Bandhigtay Awooddeeda Difaac. Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa dhawaan soo bandhigtay awooddeeda difaac, iyadoo muujisay qalab milatari oo casri ah, oo ay ka mid tahay diyaaradda tababarka iyo dagaalka fudud ee Hawk T-165. Bandhiggan ayaa lagu muujinayay diyaar garowga iyo horumarka ay boqortooyadu ka gaartay dhinaca ammaanka iyo difaaca. Masβuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Sucuudiga ayaa sheegay in soo bandhigidda qalabkan ay qayb ka tahay qorshaha lagu xoojinayo awoodda ciidanka cirka, lana muujinayo sida ay dalku ugu diyaar garoobay difaaca xuduudihiisa iyo ka hortagga khatar kasta oo amni. Diyaaradda Hawk T-165 oo ka mid ah kuwa…
Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan UgaasΒ maxamed Magalada Galdogob ee Gobolka Mudug oo lagu caleema-saarayo Ugaaska Beelaha Tanade [Leelkase], Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed ayaa maanta kulmisay Muxaafidka & Mucaaridka, xilligan isku-mari la’ siyaasadda Soomaaliya. Waxa safka hore geleya; Madaxweynaha Puntland, Guddoomiyaha Baarlamanka PL, Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka-sare JFS oo hoggaaminaya Wasiirrada Federaalka & siyaasiyiinta Mucaaridka PL, madax ka socota DDS, Galmudug, Muqdisho & qurbaha oo intooda badan tegey goobta caana-shubka. Marka laga yimaaddo isimmada oo deegaannada Soomaaliyeed isaga yimi & hadaljeedinta dhaqan; waxa la arkayaa siyaasiyiinta wada-hadalladooda xaaladda dalka. Magaalada Galdogob oo dhacda cidhifka…
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa markii uu istaagay waxaa si buuxda iskugu hareereeyay ciidamada si ay u xadidaan dhaq dhaqaaqiisa.
Ciidan ku dhow 100 askari ayaa gudaha u galay halka loogu talogalay inuu ka dhaco shirka ay Labada Aqal ee BFS ku meelmarinayaan qeybo ka mid ah dastuurka dalka, oo aan heshiis lagu ahayn. Xildhibaanno aan la hadlay ayaa ii xaqiijiyey inay ka hortegi doonaan damaca Aadan Madoobe iyo Xasan Sheikh. Saaka, xaaladdu waa adag tahay, waxayna u muuqataa in gacmaha la isula tegi doono, oo mar saddexaad shirku baaqan doono. Ali Adan Mumin
Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha Shacabka kadib markii loo diidday in ay xarunta kasoo tebiyaan shirkii maanta ee golaha. Buuq ayaa weli ka dhex taaggan xildhibaannada mucaaradka iyo ciidan booliis ah oo xarunta la geeyay.
– Wararka soo kordhay- wasiirrada xildhibaanada ah lagu amray dhammaantood inay xaadiraan fadhiga Baarlamaanka, si ay u difaacaan wax-ka-beddelka Dastuurka ee muran badan ka taaganyahay. Wasiirrada ilaa hadda gaaray xarunta Golaha Shacabka waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha β Cali Xoosh Wasiirka Biyaha iyo Tamarta β Bidhaan Wasiirka Xannaanada Xoolaha β Xasan Eelay Sidoo kale wasiiru-dowlayaal iyo wasiir-ku-xigeenno oo xildhibaano ah Waxaa xarunta Golaha Soo galay Gudoomiyaha Guddiga la socodka wax ka badalka dastuurka Xil Xuseen iidow iyo Habdhoowre Nuux Ilaa iyo hadda, Guddoonka Golaha Shacabka ma soo gelin xarunta, halkaas oo ay weli ka socdaan buuq, sawaxan iyo…
Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga Hadlay Hakinta Maashariicda Dhismaha laamiga Baladweyne. Aqriso: “NASIIB DARO IYO NIYAD JAB.!! Cali Jeyte Cismaan oo soo noqday xildhibaan federaal, wasiir federaal, labo jeer oo gudoomiye gobal ah iyo hadda oo uu yahay ergaga madaxweynaha Somaaliya ee ciidanka deegaanka, maanta lagama fileeyn inuu hormar iyo dib u dhiska magaalada Beledweyne uu hor istaago waana talaabo uusan ka fiirsan. Waxaan cambaateeynayaa falka lagu joojiyay dhismaha wadooyinka magaalada Beledweyne. Mashruucan Nagaad oo laga fulaiyay magalaooyin badan qaarna uu weli socdo waa dhismaha wadooyin laami ah oo gaaraya 24km balse waxaa hadda lafasaxay 9km,…
Dagaal Culus ayaa saaka dib ugu qarxay magaalada Baydhabo ee maamulka koonfurgalbeed waxaana maalintii labaad gudaha magaalada ku dagaalamaya ciidanka daraawiishta koonfurgalbeed iyo ciidamo uu wato sargaal katirsan militariga soomaaliya oo lagu magacaabo Korneyl Cabdiraxmaan Nishoow. Dhinaca kale wararka laga helayo beydhabo ayaa sheegaya in saaka ay ciidanka Daraawiishta Koonfurgalbed weerar kuqaadeen guri uu lahaa wasiirka xanaanada xoolaha Dowladda soomaaliya Xasan eelaay taasoo dhalisay dagaal aad u xoogan oo kufiday qeybo badan oo kamid ah magaalada beydhabo waxaana ilaa hada jaran isgaarsiinta magaalada iyadoo ay adagtahay in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee kadhashay dagaalladan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka Turkiga. Xubno ka tirsan wafdigiisa oo aan suβaalo ka weydiinay ujeeddada safarkiisa ayaa xaqiijiyay in uu Turkiga u tagayo balamo iyo kulamo gaar ah oo la xiriira ololihiisa siyaasadeed. Xogaha la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in safarkii hore ee uu Farmaajo ku yimid Muqdisho uusan wax kulan ah la yeelan Madaxweynaha hadda xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud, balse intii uu maalmahan dambe ku sugnaa Muqdisho ay taleefan ku wada hadleen, isla markaana ay ballan wada sameeysteen, inkasta oo aan la shaacin nuxurka wada-hadalladaas.
