Dalka Canada waxaa xalay ku dhintay Allaha Unaxariistee Axmed Xaaji Cilmi Guure oo kamid ahaa Duuliyaashii hore ee Shirkadda Diyaaradaha Soomaaliya ee Somali Airline oo in muddo ah ku noolaa Dalkaan dhaca Waqooyiga Ameerika.
Abdullahi Axmed Cabdulle Azhari oo ay kusoo wadashaqeeyeen xirfadda Duuliyenimada ee Shirkaddii Somali Airline isla markaana ay wax soo wada barteen oo la hadlay VOA SOMALI ayaa sheegay in uu Marxuum Axmed Cilmi uu ahaa qof shaqo firfircoon.
Waxa uu sidoo kale ku sifeeyay in uu ahaa Nin ay ku weyn tahay Soomaalinimada iyo in la isku keeno, waxaana uu wax ku bartay Dugsiga Sare ee Banaadir sanadkii 1976-1977kii kaddib ayuu ku biiray Somali Airline oo tababar loogu diray Dalka Jarmalka.
Marxuum Axmed Cilmi Guure ayaa burburkii Dowladdii Militariga ahayd kaddib waxa uu kamid noqday Qurba-joogta gashay nolol ka duwan middii ay ku shaqeynayeen maadaama Dalka uu galay burbur iyo dagaal Sokeeye.
Waxa uu sanadkii 1999kii aasaasay barta Hiiraan.com oo kamid ah Website-yada Soomaalida ee waqtiga dheer laga dheehanayay dhacdooyinka Gudaha Dalka & Dibadda waana Webkii ugu horreeyay ee lagu qoray Af-Soomaali.