Taliska howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaaka siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan xiisadda dagaal ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in talisku aad uga walaacsan yahay khilaafka kasii daraya ee u dhexeeya labada dhinac, wuxuuna ku baaqay in xaaladda la qaboojiyo, si xal looga gaaro xiisadda dowladda dhexe iyo Jubbaland.
Sidoo kale ATMIS ayaa shaaca ka qaaday mowqifkeeda, waxaana ay sheegtay inay dhex-dhexaad ka tahay dhinacyada siyasadda Soomaaliya, waajibkeedana uu yahay amniga oo kaliya, sida lagu sheegay qoraalka.
Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaa doorashooyinka, wuxuuna ku baaqay in doorashado noqoto mid ku dhacda nabad dalka oo dhan.
Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay inay ka walaacsanyihiin warar ay baahisay qaar kamid ah warbaahinta oo lagu sheegay in qeyb ka mid ah ciidamadooda booliska ah ee jooga magaalo xeebeedka Kismaayo ay qeyb ka yihiin doorashada dowladu diidan tahay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay Jubbaland oo qoraal soo saartay ay ATMIS iyo QM uga digtay in idiyaarahadooda loo adeegsado arrimo siyaasadeed.
Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa ku wargelisay ATMIS iyo QM inay galeyso doorasho, isla markaana ay ka digeyso in diyaaradahooda loo isticmaalo siyaasad, si looo fashiliyo doorashadaasi.
“Dowladda Jubbaland waxay ku wargelineysaa hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) iyo ATMIS in doorashooyin muhiim ah ay ka socdaan gudaha dowladda Jubbaland. Sidaas aawgeed wasaaradda amniga gudaha waxay ku wargelineysaa in diyaaradaha UN-ka aan lo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo xasilloonida doorashooyinka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda amniga Jubbaland.
Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa cakiran, waxaana kala tegay dowladda iyo labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland oo gabi ahaan xiriirkooda uu go’ay.