Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS , ayaa maanta saldhigii ay ku lahaayeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxa ay sannado badan kaddib si rasmi ah ugu wareejisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya .
Saldhigan ay wareejiyeen ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS waxaa si buuxda ula wareegay ciidanka xoogag dalka, kuwaa oo hadda kaddib si buuxda saldhigaasi u maamulaya kana sugaya ammaanka degmada Maxaas.
Madaxa saadka ee ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, Col. Bosco Sibondavyi, ayaa ku ammaanay ciidamada ATMIS iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya ilaalinta bulshada deegaanka iyo sugidda amniga gobolka.
Wakiilka ciidamada Soomaaliya Lt. Xuseen Maxamed ayaa mar kale sheegay in ay diyaar u yihiin ciidanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxa qorshaynta kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah, ayaa dhankiisa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay UNSOS u leedahay taageeridda qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya ee geeddi-socodka nabadaynta ee dalka.