Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

    June 29, 2025

    Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

    June 29, 2025

    DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

    June 28, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

      June 29, 2025

      Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

      June 29, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Qadar

      June 28, 2025

      Taliyaha Ciidanka Lugta… Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda oo tagey furimaha hore ee dagaalka AS

      June 28, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

      June 22, 2025

      DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

      June 22, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

      June 29, 2025

      Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

      June 29, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Qadar

      June 28, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Ansixinta qodobbada dastuurka ka dib muxuu noqon doonaa mustaqbalka hanaanka awood qaybsiga ee 4.5

    Ansixinta qodobbada dastuurka ka dib muxuu noqon doonaa mustaqbalka hanaanka awood qaybsiga ee 4.5

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 6, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    XIldhibaannada Soomaaliya ayaa dhawaan u codeeyey wax ka beddelka dastuurka oo muddo dheer aan la qabyo tirin. Waxaa taas dhinac socday in Soomaaliya ay ku dhaqmaysay nidaam awood qaybsi, oo ku salaysan afar beelood iyo bar.

    Qodobbada dastuurka ee wax laga beddelay waxaa ka mid ah doorashada madaxweynaha oo ay shacabka toos u soo dooran doonaan, iyo in madaxweynuhu uu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha isagoo aan baarlamaanka soo marsiin, iyo in seddex xisbi ay dalka ka jiri doonaan, waxaana sida muuqata ay taasi saamayn ku yeelan doontaa nidaamkii xildhibaannada sida tooska ah ay qabaa’ilku u soo xuli jireen.

    Sidoo kale waxay shacabku soo dooran doonaan hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka dawlad goboleedka, golaha wakiillada dawlad goboleedka, iyo golaha deegaanka, duqa magaalada iyo ku xigeenkiisa, iyo dawladaha hoose.

    Hanaanka 4.5 ayaa la soo billaabay sannadkii 2000, markii ay madaxda Soomaalidu isugu tageen dalka Jabuuti, si loo helo “Xal” ay qabaa’ilku isaga dhex arkaan haykalka siyaasadeed ee dalka ee awoodda lagu qaybsanayo.

    Dadka siyaasadda indha-indheeya way ku kala argti duwan yihiin in isbeddelka dastuurka uu saamaynayo nidaamka awood qaybsiga, iyo guud ahaan mustaqbalka hanaanka qabaa’ilku awoodda ku qaybsanayeen dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey.

     

    Dastuurka

    XIGASHADA SAWIRKA,X

    Haddaba dastuurka dhawaan loo codeeyey sidee u saamaynayaa hanaankii awood qaybsiga ee 4.5.

    “Nidaamka 4.5 waa nala fogaaday, waxaa markiisii hore loogu tala galay inuu muddo gaaban shaqeeyo, faa’iido iyo khasaarena waa watay. Marka ugu horreysay waxaa lagu soo dhisay dawladnimada, qabaa’ilka qaarkoodna waa ka faa’iideen oo wax aysan weligood arag ayey ku heleen, qaarna dadka ayey la sinmeen, dadna dareen ayey galisay oo waxaa la dareensiiyey in ay dadka kale ka xuquuq yar yihiin” ayuu yiri Maxamed Nuur Qalimow oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya.

    Saamaynta ugu weyn ee dastuurka uu awood qaybsiga ku yeelan doono ayuu kutilmaamay Qalimow dhinaca doorashada oo baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka doorasho lagu soo geli doono.

    “Maadaama ay dadweynuhu soo dooran doonaan murashaxiinta, waa in guddiga doorashada uu cayimo xuduuddo iyo deegaan doorashooyin, ayna shuruudaha doorashada xildhibaanka ku saleeyaan tirada dadka ku nool deegaan doorashada iyo baaxadda dhulka deegaan doorashada, waayo meelaha qaar dad badan ayaa ku nool, qaarna dad yar, suurtogalna maaha in isku si loola macaamilo meel ay ku nool yihiin 1,000 qof iyo meel ay ku nool yihiin 100,000 oo qof” ayuu sii raaciyey Qalimow. Nidaamkaas wuxuu meesha ka saarayaa sida muuqata soo xulista odayaasha qabaa’ilka ay soo xuli jireen xildhibaannada Baarlamaanka.

     

    Maxamed Nuur Qalimow

    XIGASHADA SAWIRKA,QALIMOW

    Dhinaca nidaamka xisbiyada ee dastuurku dhigayo marka la eego ayaa isna ka mid ah arrimaha cusub ee sii fogeynaya awood qaybsiga qabaa’ilka.

    “Haddaan caalamka kale eegno, siyaasadda waxaa isku haya mucaarad iyo muxaafad, Soomaaliyana lama yaabayno in xisbiyada aan talada haynin ay xisbiga talada haya u shirkoobaan, ama u xisbiga talada haya mid ka mid ah labada xisbi ee kale soo jiito, inay laba is raacdana la yaab ma lahaanayso”, ayuu sii raaciyey Qalimow oo ku tilmaamay in nidaamkaas xisbiyada uu meesha ka saari doono awood qaybsiga qabiilka ku dhisnaa.

    Dhinac kale marka laga fiiriyo, Qalimow iyo siyaasiyiin kale waxay rumaysan yihiin in aan qabiilkii weli laga wada guurin.

    Prof Maxamed Cumar Dhalxa oo muddo dheer soo ahaa xildhibaan baarlamaan oo lagu soo xuli jiray 4.5 wuxuu weli aaminsan yahay in siyaasadda qabiilka ku dhisan ay sii jiri doonto, oo hadda uun ay sii xoogaysatay.

    Wuxuu BBC u sheegay in beelaha uu ka soo jeedo ay yihiin kuwo ku dhib qabay nidaamka 4.5, wuxuuna intaa ku daray in marka laga yimaado dastuurka qoran ay beelaha “waaweyn” qaadan doonaan xubnaha muhiimka ah “madaxweyne reerki qaadan jiray ayaa qaadanaya, ra’iisul wasaare reerkii qaadan jiray ayaa qaadanaya, golaha wasiirradana sidaas ayaa loo qaybinayaa. Magaca uun baa la beddelay mooyee qaab dhismeedka iyo heykalka waxba iskama beddelin” ayuu yiri Prof. Dhalxa.

    “Qabiilka waa ku sii dhex jiri doonaa siyaasadda Soomaaliya. Dalalka Soomaaliya jaarka la ah ee madaxda tooska loo s doorto ama dalalka Afrikaanka ah badankood weli waxaa siyaasadooda xoog badan ku leh miisaanka qabiilka. Qabiilka ma dhamaanayo laakin saamayntiisa ayaa la yarayn karaa” ayuu yiri Maxamed Nuur Qalimow.

    Wuxuu u arkaa tani inay tahay talaabadii ugu horreysay ee meesha ka saaraysa in qabiilku uu siyaasiga soo doorto “Waxay dhaamaysaa in oday dhaqameed uu wax soo doorto, waxayna abuuraysaa fursad ay dadku ku helayaan xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay wax dooran karaan, lana soo dooran karo, waana billow fiican” ayuu yiri Qalimow oo BBC u warramayey.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

    June 29, 2025

    Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

    June 29, 2025

    DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

    June 28, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

    June 29, 2025

    Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

    June 29, 2025

    DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

    June 28, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.