Kooxda Al Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkii ismiidaaminta iyo midkii tooska ahaa ee xalay lagu qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, weerarkaasi ayaana lagu laayay dad badan oo shacab ahaa oo xeebta u tagay nasiino iyo dalxiis.
War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in xalay weerar qarax ku bilowday ayna xigeen mid toos ah ku qaadeen maqaayada Beach View ee kutaalla xeebta Liido, waxa ayna sheegeen in goobtaasi joogeen siyaasiyiin, saraakiil ciidan, shaqaalaha dowladda, nabad sugid iyo askar katirsan ciidanka dowladda.
Al Sahbaab waxa ay sheegeen in weerarka ay ku qaadeen xeebta Liido ay ku dileen 54-qof sidoo kale ku dhaawaceen 87 qof oo kale, waxa ayna dadkaasi ay laayren ku sheegeen siyaasiyiin, saraakiil iyo ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa dharcadka ah.
Warka kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in weerarka xalay dadka shacab ah lagu laayay ee ka dhacay xeebta Liido uu aargoosi u ahaa dadka ay dhibaateeyaan ciidanka dowladda, waxa ayna sheegeen in mar kastab oo muslimiinta la dhibaateeyo ay u aargudi doonaan.
Kooxda arxanka daran ee Al Shabaab ayaana bogaadisay dadkii fuliyay weerarkii xalay ka dhacay ay ku tilmaameen halyeeyo shahiiday oo dhibaateeyay dad ay ku tilmaameen murtadiin, waxa ayna sheegeen in Al Shabaab u dagaalamayaan dhowritaanka iyo badqabka umadda muslimka ah.
Weerarkan Al Shabaab masuuliyadiisa sheegteen ayaa dadkii xalay lagu dilay dowladda shaacisay in ay gaarayaan 32 qof, waxa ayna dadkan ahaayeen dad shacab ah oon dowladda shaqo ku laheyn una tagay xeebta Liido dalxiis iyo nasiino.